Meydka 2 Ajaaniba oo laga dhoofiyey Gaalkacyo iyo Puntland oo Guddi u saartay baadhista dilkooda

Gaalkacyo(Aftahannews):- Madaxwenaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland ayaa maanta kulan sagootis ah u sameeyay maydka laba sarkaal oo ka tirsanaa shaqaalaha hay’ada UNODC oo shaay lagu dilay gudaha garoonka diyaaaradaha Gaalkacyo.

DSC06862-740x555 DSC06878-740x555 DSC06877-740x555 DSC06876-740x555 DSC06875-740x555 DSC06872-740x555 DSC06824-740x555 DSC06881-740x555 DSC06899-740x555

Madaxweynaha Puntland iyo wafdigiisa ayaa marka hore kulan xasaasi oo saxaafad dibad joog ay k ahayd la qaatay ku xigeenka wakiilka Soomaliya ee Qaramada midoobey Philippe Lazzarini iyo xubna sare oo ka socda laamaha hay’adaha Qaramada Midoobey waxaana kulankaas looga hadlayay qaabkii ay wax u dhaceen iyo sida ugu wanaagsan ee baaritaan dag dag loogu samayn karo dhacdadii ka dhacday magaalada Galkacyo.

Kulanka ka dib Wafdiga madaxweynaha Puntland iyo Saraakiisha UN-ka ayaa si wada jir ah uga qayb galay Sagootinta Maydka laba shaqaale loogu sameeyay gudaha garoona Gaalkacyo iyadoo ay ka soo qayb galeen dhamaan shaqaalaha Hay’adaha Qaramada midoobey ee ku sugan gobolka Mudug.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in dawlada Puntland iyo shacabkeedu ay la qayb sanayaan tiiraanyada iyo xanuunka dhamaan ehelada iyo shaqaalaha Qaramada midoobay waxaana uu ka balan qaaday in dhacdo noocan oo kale ah ysan dib danbe ugu dhici doonin guud ahaan Puntland.

Prof Gaas ayaa u sheegay saraakisha UN-ka in dawlada Puntland ay guddi heer sare ah u saartay Dilka labadan shaqaale ee u kala dhashay dalalka UK iyo France si ay baaritaano qoto dheer leh ugu sameeyan dhacdada waxaase uu sheegay in jiraan quburo ka socota dalalka Farnce iyo Un in ay qayb ka ahaandoonaan baaritaanka dhacdadan.

Aftahannews.com

Magaalada Boosaaso

Puntland/Soomaaliya.