Taliyaha Booliska Somaliland oo Digniin Adag U Diray Xisbiga Waddani iyo Taageerayaashiisa

Hargeysa(aftahannews):- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), ayaa sheegay inaanay Ciidanka ammaanku aqbali doonin inay isu soo baxaan taageerayaasha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ka dib markii uu Guddoomiye Cirro ugu baaqay inay taageerayaashiisu isniinta berri isugu yimaaddaan xarunta dhexe ee Waddani ku leeyahay Hargeysa.

Taliye Saqadhi Dabagale, waxa uu sheegay inaanay dadka reer Somaliland u tabobbarnayn bannaanbaxyada salmiga ah amma nabadgelyada loo sameeyo, isla markaana aanu jirin bannaan-bax somaliland laga sameeyey oo khasaare la’aan ku dhammaaday, sidaa awgeedna aanay Boolis ahaan oggolayn in wax isu soo bax iyo muddaharaad ah laga sameeyo Hargeysa iyo dalka toona.

Haddaba, Saqadhi Dabagale Shir jaraa’id oo uu fiidkii ku qabtay Hargeysa oo Faahfaahsan oo uu arrimahaas iyo kuwo kaleba kaga hadlay, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.