Madaxtooyada Somaliland oo Si adag uga Jawaabtay Baaqii & Badheedhihii Guddoomiye Cirro

Hargeysa(aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka qaylisay Baaqa Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan-Cirro ugu yeedhay taageerayaasha Xisbigaas inay isugu yimaaddaan Isniinta Berri Xarunta dhexe ee Xisbigu ku leeyahay magaalada Hargeysa, waxaanay sheegtay inaan la aqbali doonin wax bannaan-bax ah oo laga oggolyahay inay dalka, gaar ahaan Caasimadda Somaliland ka dhacaan.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa shir jaraa’id oo galabta ku qabtay xarunta madaxtooyada, waxa uu ugu jawaabay Guddoomiyaha Waddani, waxaanu sheegay inaanay suuragal ahayn in bannaanbax ay sameeyaan taageerayaasha Waddani, waxaanu ku dooday inaanay siduu u yidhi u jirin hadallada uu Warbaahinta mariyey Axaddii Maanta Guddoomiye Cirro.

Warka Afhayeenka oo Faahfaahsan oo uu arrimahaas iyo kuwo kaleba kaga hadlay, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.