Dareemmo Xalay Argagax Galiyey Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Hawadda Sarre Lagu Arkay

Filed under: Wararka |

Hargeysa, (Aftahannews)-Hawada magaalooyin badan oo ka tirsan gobolada dalka Soomaaliya xalay waxaa laga arkay wax u eg xidigo aad iskugu dhow oo guuraya hawada, isla markaana xawaare dheereeya ku socda.

Magaalooyinka lagu arkay waxaa ka mid Muqdisho, Afgooye, Dhuusamareeb, Cadaado, Gaalkacyo, Jigjiga, Diridhaba iyo kuwo kale oo dhaca galbeedka, koonfurta iyo bartamaha gobolada dalka.

Dadka ku nool magaalooyinkaas ayaa si isku mid ah u sheegay in waxaas oo u eg xidigo aadna iskugu dhaw ay ka yimaadeen jihada koonfureed una dhaafeen jihada waqooyi.

Arintaan ayaa xalay aad loogu falanqeynayey baraha ay bulshadu ku xariirto, iyadoo dadka ku kala nool magaalooyinka laga arkay ay isku si u sheegayeen qaabka waxii guurayay ee ay arkeen.

Inta badan dadka adeegsanaya baraha Bulshada ayaa ku tilmaamaya mucjiso Rabaani ah, iyagoo xusaya baryada Allaah.

Dhinaca kale, dadweynaha ku dhaqan magaaladda hargeysa ayaa maanta isla dhexmarayay in xalay hawadda sarre ku arkeen waxa dadka qaar ku sheegeen dayax gacmeed, dadkale ku sheegeen diyaaradaha wax basaasa.

 

 

 

 

You must be logged in to post a comment Login