Messi Oo Qarankiisa Guul U Horseeday, Xilli Uu Rejo Tiray Brazil

Xulka Argentina ayaa dhigiisa Brazil guul muhiim ah ka qaatay kulan ka dhacay Saudi Arabia, labadda xul ee aadka u xifaaltama ayaa kaliya ku kala baxay 1-0, iyadoo Lionel Messi uu dhaliyay halka gool ee farqiga ah.

Lionel Messi muddo saddex bilood uu ganaax kaga maqnaa qarankiisa dib ayuu usoo laabtay, guul iyo gool ayuuna ku furtay wakhtigiisa bilawday.

Weeraryahanka Manchester City Gabriel Jesus ayaa rikoodhe khasaariyay qeybtii hore ciyaarta, ka hor inta aannu Messi qudhiisa rikoodhe khasaarin, balse waxaa ceebtiisa asturay inuu mar kale fursad u helay shabaqa inuu kubadda dhex dhigo.