Ka Waantow Baahinta Shaqooyinka Beenta Ah. Qallinkii Cabdifataax Shaafi

Dhallinyaradu waa cududa ugu weyn ee uu qaran walbaa leeyahay, kaas dal walbaa ka kaga soocanyahay  ama kaga horeeyo dal kale hadba sida uu u jiheeyo dhalinyaradiisa, heerka aqoon ee dhalinyaro leedahay waxay ka muuqataa dalkooda iyadoo ay ku xidhantahay hadba fursadaha la siiyo.

Hadaba innaga oo kusii soconeyna mowduuceena waxaynu daaha ka qaadi doona arimo aan u arkay in ay waxyeelo ku tahay dhalinyarada ku nool Somaliland, taas oo ku waajahan helida shaqooyin ku kafeeya noloshooda iyo reerahooda waxsoo barayba. Sida aynu lawada socono heerka shaqo la-aaneed ee dalkeenu aad ayuu u sareeyaa iyadoo ay arimo dhawr ahi ay sabab u yihiin sida dalkeena oo aan haysan aqoosi caalami ah isla markaana aan wali heli maal gashi shisheeye, heerka wax-soo saarka oo aad u liita ama aan jirinba iyo arimo kale oo farabadan ayaa hadana dhalinyaro badan oo wax soo bartay waxa ay la daala dhacayaan helida shaqooyin si ay isbadal ugu sameeyaan noloshooda.waxa ay maalin walba qoraan CVyo kala duwan oo ay u qoranayaan meelaha kala duwan ee sida maalin laha ah u soo baahiya shaqooyinka.

Aan u daadego u jeedadeydee marka laga yimaado fursadaha yar ee shaqooyinka ee ay hogaanka u heyso reernimadu taas oo hadda mareysa in shaqooyinku ay fadhiyaan reernimo, goobkastaa u shaqaaleysiisto reer gaara, shaqooyinka soo baxana uu u qeybiyo inta ay isku hayba yihiin balse nasiib xumo aan wax laga qabanin loona layahay maaro balse hadda noqotay wax iska caadi ah, ayaa maalin walba waxaad arkeysaa shaqooyink lagu soo qoray websiteyo ama majaladaha sida maalinlaha ah uga soo baxa wadanka.

Waxaan aad ula yaabay shaqooyin la soo xayisiinayo/baahinayo oo la leeyahay way banaan yihiin ama waxaa loo rabaa shaqaale cusub, oo marka aad  u kuur gasho ama aad xareysato ee aad u fadhiisato imtixaanka aad kala kulmeyso waxyaabo aad la yaabayso amase kugu ridaya niyad jab nasi ah, saameyna ku yeelan kara mustaqbalkaaga dambe ee aad beegso isleedahay.

Ma rabo in aan idhaahdo dhamaan goobaha soo baahiya   shaqooyinku waa wada been, laakiin waxa ay dhalinyaro badan oo arintani ay qabsatay ogsooyihiin ama qirayaan in ay aad u farabadan yihiin. Waxaan rabaa in aad idin lawadaago arin aniga naf ahaantay igu dhacday, aniga oo ogsoon arimo kale oo aad u farabadan oo ku dhacay dhalinyaro kale oo aan qaarkood usoo joogay.

Waxaan xauustaa maalin maalmaha kamid ah in aan meel imtixaan u galanay aniga iyo dhalinyaro farabadan oo u tartamayey laba meelood(position), sida aan xasuusto waxaanu aheyn labaatan qof oo rag iyo dumarba leh, markii naloo qeybiyey imtixaankii ee aanu in mudo ah wadney ayaa inankii na ilaalinayey oo qiyaas ahaan ahaa 30jir isagoo aad ula yaaban dadaalka anu hayno iyo sida ay nooga go-antahy ku guulesiga shaqadan balse ogsoon sida wax u socdaan isagu cuntami waayeen. markaasu si degen oo naxariisi ku jiro nooga codsaday in uu rabo in uu arin nala wadaago, waanu ka aqbalay arinkii, markaas ayuu nagu yidhi labada meelood ee aad shaqada u galeysaan ma banaana waayo midi waa aniga midka kalena waxaa ka shaqeysa gabadhii formka idinka buuxineysay. Yaab iyo amakaag ayaan la dheygagney oo qof waliba meeshii uu fadhiyey ayuu kaga kacay waraaqihiisii imtixaanka.

Hadaba waxay suaashu ka taagantahay waa maxay u jeedada ka dambeysa baahinta shaqooyin laga shaqeeyo? Suaashaa jawaabteeda waxaan u dhaafayaa dadweynaha maadaama aan ogahay in lagu daalay jawaabtaas oo taala meel walba.

Ugu dambeyn waxaan rabaa in laga waantooba caadooyinka xun ee soo noqnoqday lagana daayo jeesjeeska iyo ciyaarta dhaliyarada la daalaa dhacayo nolosha. Dawladu waa masuulka ugu weyn ee arintani saarantahay, waxayna kamidtahay arintan waxayaabihii loo doortay ee ay ahayd in ay wax ka qabato.