Ciyaaryahan Hanjabad Dil Ah Ugu Hanjabay Laacib Luis Suarez

Kabtanka kooxda Liverpool ee Jordan Henderson ayaa shaaca ka qaaday inuu ku dhawaaday inuu dilo weeraryahanka reer Uruguay ee Luis Suárez markii uu ku sugnaa Reds.

Luis Suarez ayaa u dhaqaaqay Liverpool bishii January 2011, isagoo kaga soo biiray kooxda Ajax, wuxuuna ku sugnaa Reds ilaa iyo 2014, kaddib wuxuu ku biiray naadiga Barcelona.

Jordan Henderson ayaa wuxuu ka sheekeeyay dhacdo ku dhex martay isaga iyo Luis Suarez tababarka kooxda Liverpool, taasoo sababtay in kabtanka haatan ee Reds uu si weyn kaga caroodo xiddiga reer Uruguay, heer ay arrinta gaarto inuu ku fikiro inuu dilo.

Wargeyska “Daily Express” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi arrintan ku saabsan uu Jordan Henderson bixiyay waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:“Waxaan isku dayay inaan bixiyo intii karaankeyga ah, marka aad tahay ciyaaryahan kubadda cagta ah, marwalba waa lagu dhalleeceeyaa, waxaana lagu galiyaa shaki xilli kasta“Waqtigaa, waan yaraa, Suárez wuxuu xilligaas igu sameeyay waxyaabo aan anigu jecleysanin, wuxuu iga dhigay inaan dareemo inaan ku fiicneyn inaan kooxda ka mid noqdo”.

“Falalkaas waxay ii dhaawaceen si xun, wuxuuna sidaas igu sameeyay saddex jeer, kaddib aad ayaan u carooday, waxaana diyaar u ahaa inaan dilo, wixii markaas ka dambeeyayna, xidhiidhka  igaala dhexeeyay Luis Suárez aad ayuu u fiicnaa”.