Caasimad Muqdisho Oo Maanta Laga Dareemay Hilib La’aan

Muqdisho (Aftahannews)Maanta suuqyada Magaalada Muqdisho kuwoodii Hilibka lagu iibiyo ayaa haawanaya, kaddib markii shaqa joojin ay sameeyeen ragga hilibka Geella ka ganacsada.

Saddexda Berri ee soo socota ayay sheegeen ganacsatadu inaysan keeneyn hilib suuqyada Muqdisho islamarkaana ay samaynayaan dibad bax.

Ganacsatada Hilibka iibiya ayaa dibadda baxooda u sababeeyay kaddib markii lagu kordhigay lacag 100 doollar ah halka marka hore laga qaadi jiray 200$, hayeeshee hadda kaddib laga doonayo inay bixiyaan lacag 300$ ah.

 

Lacagta 100$ka doollar ee dheeriga ku ah ganacsatada ayay sheegeen inaysan bixin Karin, waxaana ay sheegeen in lacagtaasi ay ka qaadaan qolo ay ku sheegeen inay dalaalaan  Xoolaha Geella.

Halka maamulka gobalka banaadir ay ku sheegeen inuu ka qaado lacagta 200$ taasoo ay ku tilmaameyn culeys aan laga bixi karin.

Dadka Muqdisho ayaa Maanta intooda badan iibsanayo Malayga badalka Hilibka maadaama la joojiyey ka ganacsiga Hilibka.

Dhawaan ayey aheyd markii Gaadiidleyda Muqdisho ay shaqo joojin sameeyeen iyagoo ka cabanayo canshuur xad dhaaf ah oo laga qaado iyo jidadka oo weli xidhan.