Raheem Sterling Oo Laga Saaray Xulka Qaranka Dalka Ingiriiska

Hargeysa, Dhaliyaha kooxda kubadda cagta Manchester City ee Raheem Sterling ayaa la soo sheegayaa in laga saaray liiska xulka qaranka England ee dheelaya kullanka soo aaddan kaddib markii uu la dagaalay laacibka naadiga Liverpool ee Joe Gomez.

Raheem Sterling ayaa haatan ka maqnaanaya xulkiisa qaranka England ee la dheeli doona Montenegro kulan ka tirsan isreeb-reebka koobka qarammada Yurub.

Macallinka xulka saddexda Libaax ee Gareth Southgate ayaa tallaabadaas qaaday kaddib markii ciyaartoyda qaranka ay markhaati ka noqdeen in xiddiga Man City uu dib u soo kiciyay xaaladdii labada xiddig ku qabsatay garoonka Anfield.

 

Waxaa la sheegay in Sterling oo weli ka cadhaysan dhibaatadii kooxdiisa Man City ku qabsatay garoonka Anfield uu bilaabay inuu ka falceliyo markii shalayto ay xiddigaha xulka qaranka England isugu yimaadeen St George’s Park.

Warbaahinta England ayaa daabacday inteeda badan in Gomez uu ahaa mid aad u deeggan oo aan la falgalin saaxiibkii, isagoo la yaabay sida uu Sterling uga fal-celiyey wixii labadooda ku dhexmaray garoonka Anfield.

Tababare Gareth Southgate ayaana markii dambe go’aansaday in xiddigan Sterling uu ka eryo xerada tababarka xulka, xitaa iyadoo la sheegay inuu mardambe raaligelin siiyey saaxiibkii, taasoo aan ku filnaanin inay ku qancaan maamulka xulka qaranka England.