“Aafo Qaran-baa Dhacday Oo Waddanka Siddan Lagu Sii Eegi-maayo…”Faysal Cali Waraabe

Hargeysa(Aftahannews)- Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Eng;Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in labadii sanadood ee madaxweyne Biixi xilka hayey wax dalka ka dhaca mooyee aanay jirin wax usoo kordhiye,waxaanu xusay in loo baahan yahay wadatashi qaran sidii qaranka looga badbaadin lahaa madaxweynaha.

Sidaa waxa uu ka sheegay safar dibada ah oo uu maanta ka soo noqday, waxaana si diiran ugu soo dhoweeyey madaarka labadda xisbi mucaarad oo u muuqda inay si wada jir ah go’aamo midaysan oo ay kaga hor imanayaan komishanka cusub u wada gaadhaan.