Garowe: Baarlamaanka Puntland Oo Doortay Guddoomiye Cusub

Hargeysa(Aftahannews)- Xarunta Golaha Baarlamaanka Maamul Goboleedka Puntland ee Soomaaliya, ayaa maanta lagu qabtay Doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka oo ay u tartameen dhowr xildhibaan, kaddib markii todobaadkii hore xilka laga qaaday Guddoomiyihii hore Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed).
Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Puntland ayaa loo doortay Cabdirashiid Yuusuf Jabriil kaddib markii uu ka guulaystay laba musharax oo kale oo la tartamay.
Laba Xildhibaan oo magacyadoodu kala yihiin Cabdirishiid Yuusuf Jibriil iyo Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed, ayaa wareegii labaad ee doorashada isugu soo hadhay waxaanay kala heleen 34 Cod iyo 17 cod si ay u kala horreeyaan.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland ayaa ku dhawaaqay natiijada in wareegii labaad uu ku guulaystay Cabdirishiid Yuusuf Jibriil oo helay 46 cod halka musharaxa labaad ee la tartamayey ee Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan uu helay 17 Cod, waxaana sidaa guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ku noqday Cabdirashiid Yuusuf Jabriil.