Maareeye Hore Oo Dhalliilay Xukuumadda Muuse Biixi Oo Xarunta Dembi-baadhista Looga Yeedhay

Hargeysa(Aftahannews)- Maareeyihii hore ee Haamaha Keydka Shidaalka ee magaalada Berbera, Sheekh Saleebaan Siciid Cali, ayaa sheegay in looga yeedhay xarunta Ciidanka Dambi-baadhista Somaliland ee magaalada Hargeysa.

Sheekh Saleebaan oo shalay warbaahinta la hadlay, ayaa xukuumadda madaxweyne Biixi ku eedeeyey falal musuq-maasuq, isagoo sheegay inay xukuumaddu ku mashquul san tahay iibinta qalab Iskaraab ah ee Haamaha Shidaalka magaalada Berbera. 

Sheekh Saleebaan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Bebera, waxa uu yidhi, “Xarumaha dawladda waa la iskaga yeedhi karaa oo waa la is-waraysan karaa, walina maan gaadhin, markaa insha allaahu marka aan gaadho.”