Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Oo Su’aal Galiyey Hoggaaminta Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi?

Hargeysa, (Aftahannews)-Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa shacabka somaliland u soo bandhigay natiijada laga dhaxlay hogaaminta Muuse Biixi ee labadii sanadood ee ugu dambeeyey.

Xisbiga Waddani ayaa war uu ka soo saaray ansixintii xubnaha komishanka doorashooyinka ee golaha wakiilada ayaa bulshada u iftiimiyey hagardaamooyin laga dhaxlayey labadii sanadood ee ugu dambeeyey Muuse Biixi.

Xisbiga Waddani ayaa natiijada hogaaminta Muuse Biixi ku soo sheegay qodobadan.

  1. Kala qeybinta iyo kala irdheynta shacabka SL halkii uu ka mideyn lahaa,
  2. Ku xadgudubka iyo ku tumashada dastuurka iyo xeerarka dalka, isaga oo waajibkiisa koowaad yahay ilaalintooda laguna dhaariyey, waxaa tusaale cad ah oo aad maanta wada ogtihiin in aanay wax sharci ah ku fadhiyin golayaasha deegaanka iyaga oo muddo xileedkoodii dhammaaday, muddo kordhina aan wali loo samaynin.
  3. Faro-gelinta nidaamka ganacsiga xorta ah ee uu jideeyey dastuurka dalku.
  4. Xakameyn la’aanta sicir bararka xadhkaha goostay ee ragaadiyey nolosha dhammaan shacabka reer SL.
  5. Hoos u dhaca weyn iyo dabaca ku yimid amniga gudaha, taas oo sababtay in ay ka dillaacaan markii ugu horeysay SL jabhado hubeysan dalka gudihiisa.
  6. U adeegsiga awoodda qaranka dano shakhsi ah oo uu dhul boob iyo ganacsi ugu horreeyo.
  7. Caadeysiga ku tumashada xuquuqal insaanka, cabudhinta xorriyadda saxaafadda madaxa bannaan, xadhiga joogtada ah ee madaxda axsaabta iyo muwaadiniinta kala duwan.
  8. Baahsanaanta maamul xumada iyo musuqmaasuqa maamulkiisa ka jira.
  9. In ay luntay kalsoonidii beesha caalamka ee dalkani ka sugayey ictiraafka.

10.Meyd maxaa u dambeeyey? Iyo kaa la sii sido, waxa aynu shalay u soo taagneyn dhammaanteen in hannaankii dimuqraadiyadda iyo rejadii doorashada hadhcad lagu gowracay horteena iyo sida ay saylad uga dhigteen golihii wakiillada.