Real Iyo Barcelona: Kulankii El Clasico Oo Go’aan Laga Soo Saaray

Waxaa maanta la go’aamiyay waqtiga la ciyaari doonno kulanka El Clasico ee dhax mari doono Barcelona iyo Real Madrid.

Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ayaa ku kulmi doono garoonka Camp Nou, kulankoodii ugu horreeyay El Clasico ee xilli ciyaareedkan 2019/20, 18-ka December sida la xaqiijiyay maanta oo Arbaca ah.

Kulanka labadan kooxood ayaa hore u qorshaysnaa inuu dhaco 26-kii bisha October ee la soo dhaafay, ka hor inta aannu maamulka La Liga dib u dhigin sababa la xidhiidha rabshado siyaasadeed oo ka jiray gobolka Catalonia.

Arrinta ugu weyn ayaa waxay ahayd dibadbaxyo ballaadhan ee ka jiray gobolka Catalunya, kaddib markii la xidhay sagaal xubnood oo sarsare ee ka tirsanaa ragii u ololaynaya gooni u goosadka gobolka Catalunya.

Banaanbaxyadan ayaa sarre u qaaday werwerka amni ka hor imaatinka Madrid ee Camp Nou bishii la soo dhaafay, iyadoo xidhiidhka kubbadda cagta Spain uu ugu dambeyntii go’aansaday in la bedelo taariikhda la ciyaarayo kulanka El Clasico.

Maamulka horyaalka La Liga ayaa ugu dambayntii maanta go’aamiyay in kulankaas la ciyaaro Arbaco 18-ka December, marka ay saacada Spain tahay 8:00pm.