Ingiriiska Oo Muwaadiniintiisa Uga Digay Weeraro Argagaxiso Oo Ka Dhici Kara Somaliland Iyo Soomaaliya

 

Muqdisho (Aftahannews)-Xafiiska arrimaha dibadda ee dowladda Ingiriiska ayaa amray in safaaradda ingiriiska ee magaalada Muqdisho ayaanay bixin karin adeegyadda Qunsuliyadaha, iyadoo lagu wargeliyey dhammaan dadka u dhashay dalkaasi.

Warkan ayaa lagu sheegay in dadka u baahan adeegyada safaaradda ay la xidhiidhi karaan safaaradaha UK ee ku yaalla magaalooyinka Nairobi iyo Addis Ababa ee Caasimadaha dalalka Kenya iyo Itoobiya.

Dawladda Ingiriiska ayaa go’aankan u sababaysay cabsi weyn oo ay ka qabto ammaanka magaalada  Caasimadda ah ee Muqdisho.

Sida lagu sheegay warka ka soo baxay xafiiska arrimaha dibadda ee ingiriiska, waxaa jira macluumaad sheegaya in ay jiraan in weeraro argagixiso oo la qorsheynayo in ay ka dhacaan gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya.

Dowladda Ingiriiska ayaa ugu baaqday muwaadiniinteeda inay muujiyaan feejignaan dheeri ah, islamarkaana ay ka fogaadaan meelaha ay dadka isugu yimaadaan, sida hoteellada, munaasabadaha ay ka qeybgalayaan mas’uuliyiinta dowladda iyo meelaha kale ee bartilmaameedka u noqon kara kooxaha weerarrada geysta.

Sidoo kale waxay dowladdu intaasi ku dartay in gudaha Soomaaliya marka laga reebo magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera ee Somaliland ay ka dhici karaan qatar dhinaca afduubka ah, sida lagu yidhi qoraalka ka soo baxay xafiiska arrimaha dibadda ee UK.

Digniintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay ee aad u yaraadeen weerarada ay kooxda Al-Shabaab ka fuliyo gudaha magaalada Muqdisho, taas oo loo sababeynayo xirnaashiyaha waddooyinka waa weyn ee ku yaalla gudaha Caasimada