Dawladaha awoodda Sheegta oo Maanta Nukleerka Iiran ka Shiraya

Muqdisho(AftahanNews)- Iran NuclearIran iyo lixda dowladda ee leh awoodda caalamka ee kala ah, Mareykan-ka, Ruush-ka, Shiinaha, Britain, Fransiis-ka iyo Jarmal-ka, ayaa wareeg cusub oo wadahadal maanta ka yeelanaya barnaamij ka nukliyeer-ka Iiraan.

Saraakiisha dowladaha Iiraan iyo Mareykan-ka ayaa sheegayo inay rajeynayaan hormar laga gaaro kullan ka si loo bilaabo bisha soo socoto qoraalka heshiiska ugu dambeeya.

Haddii wadahadaladan ay guuleystaan, Mareykan-ka iyo Iiraan waxay xaqiijiyeen inay ka wada shaqeyn doonaan sidii loo bilaabi lahaa heshiis ka ugu dambeeyo bisha May. Balse wadaxaajood adag ayay yeelanayaan dhinacyada, sida ay falanqeeyayaasha sheegayaan.

Dowladaha lixda ah ee la shiraya Iiraan waxa ay doonayaan in ay joojiso ficilada ay ku raadineyso hubka halista ah ee nukliyeer ka. Iiraan waxa ay sheegeysaa in nukliyeerkeeda uu yahay mid si buuxda nabad gelyo u ah.

Dowladda Iiraan iyo lixda dowladood caalamka ugu awoodda badan ayaa tani iyo bishii July gaarayay heshiiyo muhiim ah oo Iiraan ay ku dooratay in cunna qabateynta laga qafiifiyo, dhankeedana ay hakiso shaqada warshadaha nukliyeer ka.