Farmaajo Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Siyaasiyiinta Mucaaridka

 

Muqdisho (Aftahannews)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad u jeediyay qaar ka mid ah bulshada Soomaaalida ee ku dhaqan magaalada Nairobi ayaa sheegay in dowladdiisu ka socon la’dahay sida uu hadalka u dhigay siyaasiyiin xanaaqsan oo shaqo doon ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa guusha ugu weyn oo ay dowladdiisa gaartay ku tilmaamay in la helo xasilooni siyaasadeed gaar ahaan wadashaqeynta isaga iyo Ra’iisal Wasaaraha oo sida uu hadalka u dhigay muddo dheer aheyd dhibaato ay wajahayeen dowladdihii dalka isaga danbeeyay.

”Waad ogtihiin hadda Annaga iyo Ra’iisal Wasaaraha muddo saddex sano ku dhawaad ah wada shaqeynteenu wey wanaagsan tahay, waxaan rajeynayaa mudadda dhiman in aan sidan ku dhameysano, sidoo kale Baarlamaanka laftirkiisa wax qabad ah kama taagna, iyadoo haddana howlaha iyo shaqooyinka hay’addaha dowladdu yihiin kuwo kala madax-bannaan ayuu yiri” Madaxweynaha dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay madaxweyne Farmaajo in caqabadaha ugu waaweyn ee dowladdiisa wajaheyso xiligan ka mid yihiin siyaasiyiin sida uu hadalka u dhigay xanaaqsan oo shaqo doona ah oo mar walba Idaacadaha iyo Facabook -ka ka hadla si loo ogaado.

”Soomaaliya marka aad eegto Afartii Sano -ba waxaa imanaya siyaasiyiin cusub, kuwii hore-na ma tagaan, waa ay shaqeynayaa, tiradooddana aad ayeey u badan tahay, haddii aad is dhahdo 10 ama 20  la macaamil 1000 kale ayaa bannaanka taagan oo careysan, oo Idaacadaha hortaagan oo Facebook -yada hor taagan oo kuligood shaqo doon ah waliba shaqada ay rabaanna tahay mid ay horay u soo dhadhamiyeen, ”ayuu yidhi Madaxweyne Farmaajo.

Caqabadaha kale ee dowladda heysta ayuu ku sheegay Al-shabaab iyo maamul gobolleedyada laftirkooda oo sida uu hadalka u dhigay doonaya in ay u dhaqmaan sida dowladda dhexe oo kale,  iyadoo dalalka dariska ah qaarkoodna arintan ka faa’ideysanayaan.

Wadamada Khaliijka qaarkood ayuu sidoo kale sheegay in carqaladeynta dowladda u soo dhaxmraan dowlad gobolleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo dhamaantood marka leysku geeyo sida uu sheegay u taagan in ay lugaha ku dhagaan hormarka socda oo ay dowladdu ku talaabsatay,.

Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xili maalmihii ugu danbeeyay ay meel sare gaartay xiisada ka dhataagan dowladda dhexe iyo madasha Xisbiyada Qaran oo ay hormuud u yihiin madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.