Qawmiyada Soomaalida Itoobiya Casharo Ha Ka Bartaan Somaliland

Hargeysa, (Aftahannews)-Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa wakhti xaadirkan u guuray hanaan ka duwan maamuladii hore uga jiray Kililka shanaad ee Soomaalida Itoobiya, ayaa maamulkii uu madaxweynaha ka ahaa Cabdi Maxamuud Cumar (Ina Ilay) ee dhawaan xabsiga loo taxaabay ka dib markii lagu eedeeyay rabashidii ka dhacay dawlad deegaankaasi u gadhwadeenka ka ahaa, isla markaana eedaymo farabadan looga jeediyay muddadii uu xilka hayay oo ay ka mid yihiin xasuuq loo gaystay dad shacab ah oo Soomaalida ah iyo kiisas kale-ba

Maamulka mr. Cabdi Ilay ka dib ayaa madaxtinimada dawlad deegaanka loo cumaamaday madaxweynaha Mustafe Cagjar, kaas oo muddo badan mucaarid ku ahaa maamulkii kali taliska ahaa ee ka horeeyay, ayaa deegaanada Kililka shanaad ee Soomaalida hada ay ku caano maalaan nabadgalyo iyo kala danbayn iyo waliba dhibaatooyin badan oo soo gaadhi jiray isku socodka dadka safarka ah ee ka taga Somaliland oo xilligan nabadgalyo lagu mara Jigjiga ilaa Addis-ababa.

Waxaana shacbiga ku nool deegaanadaasi ka dib maamulkii ina Ilay ay ka xoroobeen tigtaytarnimadii nidaamkii hagaasay ee ka talinayay muddada Kililka shanaad ee Soomaalida Itoobiya.

sidoo kale jabhadii hubaysnayd ee ONLF ka dagaalami jirtay deegaanada Soomaali galbeed ayaa dhawaan go’aansatay inay hubka dhigaan, isla markaana u xuub-siibtaan saaxada siyaasada urur ka mid noqda ururada u baratami doona tartanka doorashooyinka dhici doona xilliga siidhiga loo afuufo garoonka.

Ururkaasi ONLF ayaa sidoo kale waxa maalintii shalay lagu dhawaaqay gudoomiye cusub oo hogaaminaya ururka, kaas oo warbaahintu waraysatay ayaa ka hadlay ururkiisu inuu u taagan yahay ka qaybgalka siyaasada.

hadaba maadaama Kililkii shanaad ee Soomaalida Itoobiya isbadal weyn oo dhinaca siyaasada ahi ku yimid laguna tilmaami karo meel ay ka baxday kalitalisnimadii hore muddada ka talinayay isuna rogay deegaano lagu soo dabaalay tubta nabadgalyada buuxda iyo hanaanka u diyaargarowga mustaqbalka dhow doorasho xor iyo xalaala oo shacbiga dawlad deegaanka Soomaalida doortaan, ayaa waxa la gudboon qawmiyada Soomaalida Itoobiya inay cashar ka bartaan Somaliland oo ah dal u ka jiro nidaamka xisbiyada badan, isla markaana muddadii ay jirtay ilaa hada soo martay shan madaxweyne oo saddex ka mid ah lagu soo doortay doorasho toos ah.

Gabagabadii shacbiweynaha Soomaalida Itoobiya ayaa loo baahan yahay inay taariikh iyo aqoon korodhsi ka bartaan sidii Somaliland u qaaday tubta dimoqraadiyada iyo nidaamka xisbiyada mucaarid iyo muxaafid ee qaran, taas oo ay ka faa’iidaysan doonaan casharo dhaxal gal ah.

Qallinkii. Cabdillaahi Xasan (Budul)