Madaxweyne Hadyad Uga Dhigay Madaxweyne Kale Kitaab Qur’aan Ah

Jigjiga (Aftahannews)- Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar ayaa xafiiskiisa kula kulmay wefti ka socda waddanka Turkiga, kuwaas oo guddoonsiiyey hadiyad khaas ah oo uu usoo diray Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan.

Weftigan ka socday waddanka Turkiga oo iskugu jiray ganacsato iyo masuuliyiin dawladda ka tirsan ayaa Madaxweyaha Dawladda Deegaanka, Mustafe Muxumed Cumar guddoonsiiyey Kitaab Qur’aan ah oo uu usoo hadiyadeeyey dhiggiisa Turkey, Recep Tayyib Erdogan.

Masuuliyiinta iyo Ganacsatada Turkiga ayaa waxay Madaxweynaha hortiisa ka sheegeen mashaariic waxqabad ah oo ay si degdeg ah uga bilaabayaan deegaanka, kuwaas oo ay ka mid yihiin Dugsiyo waxbarasho oo lagu baran doono Culuumta Islaamka iyo manjayo maaddi ah, qalabaynta dhakhtarka Referral-ka oo ay sidoo kale qayb ka qaadan doonaan bixinta mushaharka shaqaalaha Caafimaadka ee cusbitaalka.

Madaxweynaha iyo weftiga ka socda Turkigu waxa kale oo ay ka wada hadleen sidii dugsiyo boodhin ah looga samayn lahaa goobaha ay ku badan yihiin agoomihii waalidkood ku waayey xasuuqyadii shacabka loo geysanayey 27-kii sannadood ee lasoo dhaafay.

Si kastaba ha ahaatee, weftigan ayaa imaatinkoodu wuxuu daba-socday kulan ay hore u yeesheen hoggaaminta DDS iyo Safaaaradda Turkitiga, kaas oo la xidhiidhay sidii dalkaasi uu mashaariic horumarineed uga fulin lahaa deegaanka.