Ingiriiska Iyo Itoobiya Oo Ka Waddahadlay Dekedda Berbera

Jigjiga (Aftahannews)-Dawladaha Ingiriiska iyo Itoobiya ka wada hadlay sidii loo dhisi lahaa waddada isku-xidha magaalada Berbera iyo Tog-wajaale.Wefti ka socda Wasaaradda Arrimaha dibedda dalka Ingiriiska oo ay qayb ka yihiin safaaaradaha UK ee dalalka Itoobiya iyo Somaliya oo maanta gaadhay magaalada Jigjiga, ayaa waxay kulamo la yeesheen Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar.

Madaxweyne Mustafe iyo Weftiga Ingiriiska ayaa waxay ka wada hadleen arrimo la xidhiidha gacanta ay boqortooyada Ingiriisku ka qaadan karto kobcinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee DDS iyo dhismaha waddada isku-xidha Berbera iyo Itoobiya ee loo yaqaano ‘Berbera Corridor’.

Kulankan oo waqti qaatay ayaa waxa weftiga Ingiriisku ay ka sheegeen in ay Itoobiya u dhisi doonaan deked qaallalan (Dry Port) oo laga hirgelin doono inta u dhaxaysa Wajaale iyo Jigjiga, halkaas oo noqon doonta xuddun ganacsi oo quudin doonta bariga Itoobiya.