Xisbiga WADDANI Oo Ku Baaqay Halgan Adag Oo Dalka Lagaga Badbadinayo Madaxweyne Biixi

Hargeysa, (Aftahannews)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa ku eedeeyay xukuumadda madaxweyne Biixi in ay caadaysatay ku xad-gudubka shuruucda dalka iyo kala qaybinta shacabka.


Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu sheegay in nidaam sharciga ka baxsan uu madaxweynuhu u soo maray xulista xubnaha komishanka doorashooyinka qaranka.