Xisbiga UCID oo si adag uga hadlay Qalab Ciidan oo Dekedda Berbera lagu Qabtay

Berbera (aftahannews):-  Xoghayaha arrimaha gudaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa ka hadlay agab Ciidan oo Dekedda Berbera lagu qabtay maalmo ka hor.

Ramaax oo Berbera warbaahinta qaarkood kula hadlay Axaddii maanta, ayaa sheegay inuu soo xaqiijiyey in koonteener ay ka buuxaan agab Ciidan, tallaabadaas oo uu ku sheegay mid caddayn u ah fadhiidnimada Xukuumadda talada haysa.

Haddaba, Warkan Ramaax oo faahfaahsan waxaan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:- 

Aftahannews.com 

Hargeysa/Somaliland.