Cali Khaliif Galaydh Oo Eedaymo Ujeediyey Soomaaliya Iyo Puntland

Muqdisho, (Aftahannews)-Hoggaamiyaha Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galaydh, ayaa ku eedeeyay maamulka Puntland in ay dagaal xoogan ka gashay sidii aanay marnaba bulshadda deegaamadda Sool, Sanaag Bari iyo Cayn wax maamul ah u dhisteen.

Waxaanu sheegay in Puntland ay miisaaniyadoodda 18% ka mida  u qoondeeyeen in lagaga hor tago sidii aanay dadka Sool, Sanaag Bari iyo Cayn u noqdo bulsho han iyo hiigsi leh.Islamarkaanna wuxuu sheegay in Somaliland lacag fiican ku qaatan iyagoo joogga toddoba ka mid ah Puntland.

Prof. Cali Khaliif Galaydh, oo hadal ka jeediyay munaasibad lagu qabtay magaaladda Muqdisho oo mudooyinkan ku sugan yahay ayaa sidoo kale madax dhaqameedka Sool ku dhaliilayay in ay lacag yar oo san-dareero ah ka qaataan Puntland.

Cali Khaliif oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi ““Bajadka Puntland leedahay wuxuu inna-faroolle u qoondeeyey 18% in lagaga hortaggo dadka Sool, Sannaag iyo Cayn inay wax dhistaan oo dhul-bahante liita oo caaddo qaate-ah oo han-yar oo mid ku leh isin-baan ahay. Siddeed ilaa sagaal isin-baa garoowe jooga wallee toddobba ka mid ahi Somaliland bay labba kun oo dollar ka qaatan.”

Cali Khaliif, ayaa sidoo kale Puntland ku tilmaamay in aanay waxba ka jirin eryadda ay madax dhaqameedka reer Sool ku beer-laxawsadaan ee ay ku sheegaan in ay hayb iyo degaan wadaan “Waar kuwa ina eedaynayaa ee leh intaad (Somaliland), aadaysaan maxaad tolkiin u aaddi-wayddeen iyagubba waa deriskeenne, dhulbaa idinka dhaxeeya iyagaad isu-abtirsiimmo tihiin, dee intaas oo dhan waynnu isla-oggolnay. Balaayo waxay ka dhacday ciddii inay luqunta kaga taagnaato mooye inaad jirtabba ma oggolaa. Inay luqunta kaaga taagnaadaan mooye hadalka dhayal-dhayl umma lihii ama rummaysta ama ha rummaysanninna. Raggannimo waxay u arkaan waxay gal-mudug ka waddaanna waynnu ognahay, waxay xamar ka waddanna waynnu ognahay …” Sidaa ayuu yidhi Cali Khaliif Waar Xamar lamma jooggi karro ee khaskaa ugu badan ee dawladda federaalku caggaha u dhiggi wayday Puntland baa ka kow ah.”Ayuu yidhi Cali Khaliif