Madaxwayne Ku-xigeenka Somaliland Oo Dhalliil Ujeediyey Cullimadda Ka Soo Horjeedda Xuska Nebi Maxamed

Hargeysa, (Aftahannews)-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylic) ayaa eedaymmo kala duwan u jeediyey Cullimadda waaweyn ee Reer Somaliland oo ku cannaantay sidday u dayaceen xuska iyo waynaynta maalinta dhalashadda Nebiga (SCW). Islamarkaanna wuxuu sheegay in munaasibaddo kale oo dad sameeyeen u soo labistaan unna soo ordaan imashaddeedda iyo ka qayb-galkoodda.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil wuxuu sidda ka sheegay munaasibadda xuska dhalashadda Nebiga oo lagu qabtay magaaladda Hargeysa.

Madaxweyne ku-xigeenka oo arrimaha faah-faahinaya wuxuu yidhi  “Maanta kulankeenna kulan ka qiimmo badan ma jirto, waajibnaa way innagu tahay in aynnu xusno maalintii Nebiggeenna Suubanna dhashay oo ahaa anbiyaddii uu ilaahay soo saaray kii ugu dambeeyey oo ahaa kii karaamadda iyo sharafta badnaa in la xuso oo aqaladeenna laga dareemmo maanta, oo carruurteennu dareento.”Ayuu yidhi Saylici

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland wuxuu sheegay in aynnu u soo labisanno munaasibaddo dad sameeyeen“Waxaynnu xusnaa maalmo bani’aadamku sameeyey oo aynnu u labisanna oo aynnu u soo orodnaa oo ay cullimadeenna waaweynni ka khudbaddeeyaan, waxay maanta halkan u iman waayeen oo meesha Nebigga lagu xusayo I iman waayeen annigu garan-maayo.”Ayuu yidhi Saylici

Xigasho Warsugan