Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Xil-ka qaadista Gudoomiyihii Baarlamaanka Puntland

 

 Hargeysa, (Aftahannews)-Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horraysay ka hadashay xil-ka qaadista khamiistii lagu sameeyey Gudoomiyihii Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed).

Wasiirka wasaaradda Biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in sifo sharci darro ah looga qaaday xilka gudoomiye Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed). Islamarkaanna wuxuu kugu baaqay isagoo aaminsan fikirka Somaliland in si wayn loogu soo dhawayn doonno dalka.

Wasiir Saleebaan Cali Koore oo arrimahan ka hadlay wuxuu yidhi “Waxay mareen nidaam khalad ah iyo sidday u dhaqmayaan iyo sidda uu distuurkooddu qorayo. In nidaamkii sharci ahaa aan loo marin. Marka waxaannu qabnaa in sifo sharci darro ah u dhacday, marka ugu horraysa Dhoobo waa nin Somalilander ah, isagoo aaminsan haddii uu immanayo aad iyo aad baannu u soo dhawaynaynaa, sababtoo ah dadkii aannu u sheegaynay ayuu ka mid ahaa waar in aan meesha dadkabba wax u oolin. Marar badan iyo waqtiyo badan waannu ku celcelinay waannu u sheegnay ilaa dhawr iyo 20-kii sannadood ee u dambeeyey, waxaannu u sheegaynay in ummadda Somaliland halkan wax ku wadda-leedahay.”Ayuu yidhi Saleebaan Cali Koore waxaannu hadalkiisii sii raaciyay “ Haddii aad fikraddo kale aaminsanayd ama federaal ama Puntland waxaad maanta timmi Xingalool waa meel Somaliland xukunto, ma rabo in dadka reer Somaliland ee sidda fiican u muujiyey taageeradoodda aannu kalmaddo khaldan dhegahoodda aannu maqashiinno. Laakiin annagu Somaliland baannu ku aqoonsannahay ku soo dhawaw dhulkaagga hooyo.”