Dal Cunno-yaraan u Adeegsanaya Dayax-gacmeed Hawada Loo Diro

Kurea (Aftahannews)- Wax soo saarka beeraha ee Kuuriyada Waqooyi ayaa la saadaalinayaa inuu aad hoos ugu dhacay, taasoo ka sii dartay xaaladda cunto yaraan ee aadka u daran ee dalkaasi ka jirta, sida ay sheegeen koox wax indha-indhaysa.

Iyagoo adeegsanaya dayax-gacmeed, ayaa ururka fadhigiisu yahay dalka Switzerland ee Geoglam ayaa sheegay in abaartu ay saamaysay dalagyada.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in tobankii qof ee Kuuriyada Waqooyi ku nool ay afar ka mid ah u baahan yihiin gargaar cunto isla markaana wax soo saarka dalagga uu heerkii ugu xumaa taagan yahay muddo shan sanno ah.

Cunto yaraanta ayaa waxaa ka sii daray cunaqabateynta caalamiga ah ee saaran Kuuriyada Waqooyi, sababo la xidhiidha barnaamijkeeda hubka.

iyo waqooyiga Hwanghae iyo koofurta Pyongyan ayaa lagu qiyaasay in dalagga ka soo go`ay ay aad u yaraayeen, sida uu sheegay ururka Geoglam.

Ururka ayaa sheegay in cunto yaraanta dalkaasi ay sabab u tahay roob yaraan iyo keydka biyaha oo yaraa xilligii xagaaga. Wuxuu ururka intaas ku daran inaan la fileyn in xaaladda cunto yaraan ee Kuuriyada Waqooyi ay soo hagaagto.

Kuuriyada Waqooyi ayaa xilliyada guga iyo xagaaga wajahday abaar aad u daran, iyadoo bishii September ay dalkaasi ku dhufatay duufaan taasoo sababtay fatahaad saamaysay beeraha.

Bishii September hay`adda Qaramada Midoobay ee Cunnada iyo Beeraha (FAO) ayaa sheegtay in wax-soo-saar liita oo bariiska iyo galleyda ah ayaa sababay in in ka badan toban milyan oo qof ay u baahdaan gargaar.

Shiinaha iyo dalal kale ayaa sannadkan gargaar cunto gaadhsiiyay Kuuriyada Waqooyi.

Si kastaba, Kuuriyada Waqooyi ayaa diidday inay aqbasho 50,000 oo tan oo bariis ah oo uga yimid Kuuriyada Koofureed. Arrintaa ayaa lala xidhiidhiyay xiisadda u dhaxaysa labada dal.

Kuuriyada Waqooyi ayaa mar walba wajahda cunto yaraan. Sannadihii 1990-meeyadii macluul ba`an oo guud ahaan dalkaasi saameysay ayaa loo malaynayaa inay dishay boqollaal kun oo qof.

Aftahannews.com 

Hargeysa/Somaliland.