Klopp & Guardiola Oo Isu-jawaabay Kulanka Man.City Iyo Liverpool

Kooxda Jurgen Klopp ee Liverpool ayaa xalay 2-1 ku garaacday naadiga reer Belgium ee Genk kulan ka tirsanaa wareega afaraad heerka group-yada ee tartanka Champions League.

Liverpool ayaa haatan isku diyaarineysa kulanka ay Axada soo aadan garoonkeeda Anfield ku soo dhaweyn doonto kooxda Manchester City, kaa soo ka tirsan kulamada 12-aad ee horyaalka Premier League.

Macalinka reer Germany iyo kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa kahor ciyaarta Axada sheegay in dhigiisa leyliya Manchester City ee Pep Guardiola uu yahay tababaraha ugu fiican adduunka, isla markaana uu ixtiraam buuxa u hayo.

Mar wax laga weyddiiyay Klopp dhigiisa Pep Guardiola ayaa wuxuu yidhi“Xilli kasta waxaan la kulanaa su’aalo badan, mararka qaarna waxaan uga jawaabnaa waxa aan maskaxda ku hayno, annagoon ka fikirin wax kale“Waan ixtiraamayaa Guardiola, muddo dheer ayaan aqaanaa isaga, waa tababaraha ugu fiican adduunka” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay macalinka reer Germany ee Klopp.