Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland Oo Ka Hadlay Xil-ka Qaadidiisa

Garoowe (Aftahannews)- Guddoomiyihii Baarlamaanka dowlad gobolleedka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo Daareed ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay xil ka qaadistii maanta ay ku sameeyeen Golaha Wakiilada Puntland.
Isaga oo la hadlayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBCda ayuu sheegay in aan sifo sharci ah loo marin sida uu hadalka u dhigay go” aankii ay maanta kalsoonida kala noqdeen xildhibaannada”Waxaanu leenahay nidaam iyo hannaan; waxaanu leenahay shuruuc uu ugu sarreeyo dastuurka. Haddaanu nahay Baarlamaanka, waxaan leenahay xeer-hoosaadka golaha. haddaanu labadaa midna waafaqsanayn, waa xaaraan, waxna kama jiraan, mana ansaxayo”, ayuu yiri Dhoobo.
Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamanka Puntalnd Abuukaate Cabdicasiis ayaa kudhawaaqay in natiijada xil ka qaadista guddoomiyaha Baarlamanka Puntland oo aanan ka soo qeybgalin kulankaas xilka looga “xayuubiyay”.


Mooshinka xil ka qaadista oo xalay la gudbiyay waxaa ku saxiixnaa 44 xildhibaan, sida uu sheegay Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Puntland.
Eedeymaha ku qornaa mooshinka ayaa waxaa ka mid ahaa in uu yiri guddoomiyaha in “Puntland ay dhisteen oo ay qabsadeen saddex qabiil, arrintaas oo ay shegeen in ay meel ka dhac ku tahay sharciga Puntland”. Sidoo kale xildhibaannada mooshinka gudbiyay waxay ku doodayeen in “gudoomiyaha uu xarunta Barlamanaka geeyay “Maleeshiyaad hubeysan”.
Balse Cabdixakiin ayaa beeniyay eedahaas oo dhan wuxuuna yiri: “Ma jirto xeer hoosaad aan jebiyay. Golaheyga si wanaagsan ayuu ku socday, tii shalay u dambeysay si fiican bay u qabsoontay. Gudoonkeygaan la tashanayay oo hareeraha iga fadhiyay, golahaan la tashanayay. Wax la wada qaatay bay ahaayeen”.
“Waxaa nakala saaraya; in uu xaq yahay ama in uu xaraan yahay, waxa iigu qoran dastuurka iyo xeer hoosaadka, qaabka aan xilka ku waayi karo”, ayuu hadalka sii raaciyay”Anigu sifo sharci ah baan ku imid, sifo sharci ahna waan ku tagayaa”, ayuu sheegay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland.Wuxuu ku andacoonayaa in xildhibaannada “culeys la saaray, lacagna loo qeybiyay”, inkastoo taasi aan si madaxbannaan loo xaqiijin karin.
Xarunta Barlamaanka ee Puntalnd waxaa xalay ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ilaalada xarunta iyo ciidamo ka tirsan booliska Puntland, waxaana dagaalkaas ku dhintay saddex qof oo mid kamid ah uu yahay qof rayid halka shan qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.