Taliyaha Cusub Ee Booliska Oo Ka Dareen Celiyey Magacaabiddiisa

Hargeysa, (Aftahannews)-Taliyaha Ciidanka Booliska JSL Sareeye guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) ayaa shacbiga Somaliland ku booriyey inay ciidanka Booliska kala shaqeeyaan sugida ammaanka dalka.

Taliyaha cusub  ciidanka Booliska JSL Sareeye guuto Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale oo maanta u warramay Warbaahinta qaranka,  ayaa madaxweynaha JSL uga mahad celiyay xilka culus ee uu u igmaday. Waxaanu  sheegay 30-kii sanno ee u dambeeyay inuu xilal kala duwan ka soo qabtay xagga ciidanka, hasa ahaatee kani uu yahay mid ka culus xilalkii hore, waxaanu sheegay inay si wanaagsan u wada shaqeyn doonaan masuuliyiinta ciidanka Booliska oo uu tilmaamay inay iskugu jiraan qaar ay is yaqaaneen iyo kuwo ay is baran doonaanba.