Realmadrid iyo Juventus Oo Guulo Gaadhay Iyo Natiijooyinka Kulamaddii Caawa

Hargeysa (Aftahannews)- Waxaa caawa la ciyaaray kulamda afaraad ee heerka group-yada tartanka xiisaha badan ee Champions League, iyadoo kooxihii caawa ciyaaray ay ugu muhiimsanaayeen, Real Madrid, Manchester City PSG.

Real Madrid ayaa guul raaxo leh kaga gaashay garoonkeeda Santiago Bernabeu kooxda reer Turky ee Galatasaray kaddib markii ay kaga adkaatay 6-0, iyadoo goolasha Los Blancos ay u kala dhaliyeen 3 gool Rodrygo ah, Karim Benzema 2 gool ah iyo Sergio Ramos.

Dhinaca Manchester City ayaa barbaro la soo gashay kooxda Atalanta oo ay booqatay, waxayna ku kala baxeen 1-1, goolka Skay Blue waxaa u dhaliyay Raheem Sterling

Tottenham Hotspur ayaa dhankeeda 0-4 kaga soo adkaatay kooxda FK Crvena Zvezda oo ay booqatay, naadiga Spurs-ka waxaa goolashan u kala dhaliyay xiddigaheeda Giovani Lo Celso, Christian Eriksen iyo Heung-Min Son oo 2 gool ah.

 

Haddaba dhanka hoose kaga boggo natiijooyinka kulamadii afaraad ee caawa laga ciyaaray heerka Group-yada tartanka xiisaha badan ee Champions League:

 

GROUP A

 

Paris Saint-Germain 1 – 0 Club Brugge

 

Real Madrid 6 – 0 Galatasaray

 

GROUP B

 

FC Bayern München 2 – 0 Olympiacos

 

FK Crvena Zvezda 0 – 4 Tottenham Hotspur

 

GROUP C

 

Atalanta 1 – 1 Manchester City

 

Dinamo Zagreb 3 – 3 Shakhtar Donetsk

 

GROUP D

 

Lokomotiv Moscow 1 – 2 Juventus

 

Bayer Leverkusen 2 – 1 Atletico Madrid