Maxaad Ka Ogtahay Maalmaha Maxamuud Shido iyo Marxaladda Puntland.

Maxaad Ka Ogtahay Maalmaha Maxamuud Shido iyo Marxaladda Puntland.


Madaxweyne Deni oo aan muddo xilhayntiisu aanay gaadhin sagaal bilood ayaa maanta gelinkeedii danbe waxa uu weeraray xaruntii Baarlamaankii, sidaas oo ay tahay waxaa banaanka u soo baxday in aanu ahayn hoggaamiye wax kala maarayn kara hogaaminta Deni..

Dhimasho ayaa ka dhalatay xaaladdii caawa ka dhacday Garoowe waxaa ku geeriyooday nin Ganacsade ahaa oo ku magac dheeraa Dhagaweyne, kaas oo si aad ah looga yaqaanay Garoowe, waxa kale oo ku dhintay qof kale, halka dhaawaca la hubo ee Cisbitaalkaa la geeyey uu yahay afar, inkasta oo ay jiraan goobo aan xaalada dagaal awged aan la gelin, halkaas oo loo filayo dhaawac iyo dhimashoba..

Arrimo badan ayaa xaaladan ku gedaaman Guddoomiyaha Barlamanka Dhoobo Daareed ayaa waxa uu loolan ba’ani kala dhaxeeyaa Maxamuud Shido kaas oo ah hoggaamiye ruuxi ah, xilligana Aaran Jaan madax u ah, waxaanay hore xidid u ahaayeen Dhoobo Daareed oo gabadh uu dhalay ay u dhaxday Maxamuud Shido.

Mohammoud Shido wuxuu ka mid yahay xubnaha ugu saamaynta badan maamulka madaxweyne Siciid Cabdilaahi Deni, waa ninka Puntland Aad loogu tilmaamo in uu hormuud u yahay xubnaha saamaynta leh ee caanka ka ah Garoowe ee loo yaqaan (Aaran Jaan) , xubnahani waxay abuurmeen wakhtigii khilaafkii maamulkii Cabdillaahi Yuusuf ee dhammaaday muddo xileedkiidu, kadibna Abdillaahi codsaday muddo kordhinta wakhtigaas oo siyaasiyiinta iyo issimadda Puntland ku kala qaybsameen.

Maxamoud wuxuu ka mid noqday golihii Wasiirada ee dawladdii Jaamac Cali Jaamac, kadibna wuxuu ku biiray dagaal hubaysan oo lala galay Abdillaahi Yuusuf jabhaddii GBB ee Cadde Muuse hoggaaminayey. Maxamuud, wuxuu markii Cadde guulaystay ka mid noqday dadkii ugu dhodhowaa maamulkii Cadde Muuse isagoo wada shaqayn dhow la lahaa Abdirahman Faroole. Mudadii Cadde kadib Maxamuud wuxuu ahaa ururka Aaran Jaan ee dhisay Madaxweyne Faroole.

Wuxuuna ahaa Odayga guud ee dawladdii Faroole wakhtigaas Maxamud wuxuu fuliyey ama maamulay mashaariic tiro badan oo dalka laga fuliyey, sidoo kale wuxuu maamulka sahayda la wareegay ciidamadii Badda ee PMPF ee loo yaqaanno Puntland Marinetime Police Forces halkaas oo uu ka helay qandaraasyo malaayiin dollars ah. Maxamoud wuxuu ahaa dadkii doorashadii 2014 hal cod looga guulaystay oo uu ka adkaaday Abdiweli Maxamed Cali Gaas. Arrintii qandaraasyada Maxamud halkoodii ayuu ka sii waday. Wuxuu dib u abaabulay inuu soo sharaxo Siciid Deni waanna ku guulaystay wuxuuna kursiga saaray Siciid Abdillaahi Deni.

Guusha Doorashada ka dib markii golaha wasiirada Puntland la dhisayey dadku waxay u galeen safaf dhaadheer iyadoo beel waliba geynayso cudur daar ku saabsan xilliyadii Maxamuud xukunku farihiisa ka baxay dadkii ka saftay oo uu xusuusiyey balan ka bixii ay sameeyeen qaarkood dadka waxay soo kaxaynayeen oday dhaqameed si Maxamud looga raali galiyo waxa uu tirsaday. Dadka jooga Garoowe markay xamanayaan Maxamuud waxay isticmaalaan ama waxay adeegsadaan Cumar Saleebaan sidaas buu yeelay ama hebelow Cumar mays aragteen, Cumar Saleebaan waa ninkii ugu dhawaa Xusni Mubaaraggii Masar ee saamanyta badan lahaa.

Maxamoud wuxuu ka mid yahay mulkiilayaasha xukuumadda maamulka Puntland, wuxuuna leeyahay labo xafiis oo uu dadka ku qaabilo mid wuxuu ku yaallaa makhaayadda ama Hotelka Eyl palace halkaas oo uu habeenkii dadka ku qaabilo mid kalena wuxuu ka furtay Airportka Garoowe halkaas oo uu maalintii fadhiisto. sababta uu xafiiska Airportka uga dhigtay waxaa lay sheegay in uu mararka qaarkood halkaas ay yimaaddaan siyaasiyiin ka socda gobolada Soomaaliya oo iyagaan la ogayn ama diidaya inay magaalada soo galaan uu kula shiro halkaas qof siyaasi ah ama mas’uul ah oo diyaarad saaran kadibna qofkaas dib ugu laabto diyaaraddii uu saaraa. Waa qaababka cusub ee ku soo kordhay siyaasadda Garoowe.

Rag la sheekaystay Maxamuud waxaa uu sheegay inay tahay markii ugu wanaagsanayd noloshiisa, wuxuu sheegay in maamulka waddanka 200% uu gacanta ku hayo dhammaan Madaxweyne ilaa gabadha dhulka fiiqda waxaa ay u hoggaansan yihiin amarkiisa waxayna arrimuhu ku socdaan ogolaanshihiisa. Maxamoud wuxuu habeen iyo maalin xiran yahay go’ shaal ah iyadoo halkii uu tago ama lagu soo sheego inuu joogo dadku ay u gelayaan safaf dhaadheer si ay uga helaan danaha ay markaas raadinayaan. Maxamoud dhanka siyaasadda waxaa uu aaminsan yahay Haddii dawladdiisu ay gaarto ama dhaafto sanad in dalkan uu ka hirgelin doono Boqor tooyo siyaasadeed. Sidoo kale waxaa laga yaabaa inuu dawladda ama goleyaasha dawladiisa uu ka nadiifiyo dadka ka aragtida duwan.

Xaaladda Garoowe ka dhacday caawana waa natiijo ka dhalatay saamaynaha Maxamuud Shido ku leeyahay Deni iyo loolanka ka dhaxeeya Doobo Daareed. Sida muuqatana Puntland way adag tahay in ay wada maamulaan Aaran Jaan oo Deni saamayn ku yeeshay dhaqaale badana ku bixiyey iyo Dhoobo Daareed. Waxa kale oo ka sii adag tahay in ay Axmed Karaash wada shaqeeyaan Aaran Jaan iyo Deni Puntland marxalad ka duwan kuwii hore ayaa ku soo foole oo ay adag tahay siday uga dabaalato xilligan Deni, xaaladana ay tahay mid raad weyn ka tagi karta.

Asad Cadaani.