Gabdho Soomaali Ah Oo  Ku Guuleystay Doorashooyinkii Ka Dhacay Maraykanka

Minneapolis  (Aftahannews)-Doorashooyinkii golaha deegaanka ee lagu qabtay gobolo ka tirsan dalka Mareykanka ayaa waxaa guullo taariikhi ah ka soo hoyey gabdho Soomaali ah oo ku guulaystay doorashooyinkaasi.

Naadiya Cabdirisaaq Maxamed iyo Safiya Khaalid oo ah gabdho Soomaali ah ayaa ka mid noqday dadka guuleystay, kadib tartan adag oo ay u galeen doorashooyinka golaha deegaanka ee gobolo ku yaalla Mareykanka.

Gabadha koowaad oo ah Naadiya ayaa waxa ay ku soo baxday kursiga golaha deegaanka magaalada St Louis Park ee gobolka Minnesota, halka Safiya Khaalid ay ku guuleysatay golaha deegaanka magaalada Lewiston ee gobolka Maine ee dalkaasi.

Naadiya ayaa heshay boqolkiiba 63 codadkii la dhiibtay, halka ninkii la tartamayey uu isna helay boqolkiiba 38. sidoo kale Safiya ayaa heshay 69.6% codadkii la dhiibtay “Aad ayaa ugu faraxsanahay in anigoo gabar Soomaali ah oo xijaaban aan ku guuleysto kursigan, in aan u tartamo xilkan, waxaa igu dhaliyay in dalka uu yahay dalkeyga, oo aan doonayo in halkan aan nolol ka smaeysto oo ma donayo in aan dareemo in aan ahay qof marti ah.”Ayay  Naadiya Cabdirisaaq Maxamed.

Sidoo kale waxa ay tilmaamtay inay dooneyso in ay wax ka qabato kirada guryaha oo ay sheegtay in ay tahay mid qaali ah, oo dadkana aysan awoodin in ay iibsadaan guryo raqiis ah.

“In la I doorto waxay tusaale u tahay dhallinyarada Soomaalida ee dalka Mareykanka iyo Muslimiinta, iyo in waxwalba oo ay doonayaan ay ku guuleysan karaan oo dalka Mareykanka uu yahay dalkooda”, ayay raacisay Naada.

Dhinaca kale, Cabdisalaam Aadan oo ah nin Soomaali ayaa isna sidoo kale ku guuleystay guddiga waxbarashada ee xaafadda Fridey ee isla gobolkaasi.

Natiijooyinka ka soo baxay doorashooyinkan ayaa waxaa soo dhoweeyey Soomaalida Mareykanka oo muddooyinkii dambe taariikha cusub ka sameynayey dalkaasi.