Maamulka Gobolka Saaxil Oo Ka Hadlay Daadad Soo Rogmaday

Berbera, (Aftahannews)- Daadad xoog leh ayaa ku soo rogmaday Magaalada Berbera kadib markii ay Roobab waaweyni ka da’een gobolka Saaxil maalmihii u dambeeyey.

Sida uu ku soo warramay wariye Mukhtaar Cabdiraxmaan Maxamuud oo Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA uga soo warama gobolka Saaxil, waxaa ku soo fatahay Daadad xoog leh Magaalada Berbera, waxaana Daadad la xaad leh ku soo rogay Dooxyada dhanka koonfureed ka mara magaalada oo ay Biyo rog ku sameeyaan buuraha dhanka koonfureed kaga beegan iyo buuraha silsilada Golis,waxayna Daadadkaasi kala xidheen isu socodka gaadiidka, dadka iyo qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Berbera, kuwaas oo ay ka mid yihiin Sabowanaag iyo wadajir ee magaalada Berbera, inkasta oo ay jiraan dedaalo ay wadaan shaqaalaha iyo masuuliyiinta dawlada hoose oo ay doonayaan inay Biyaha kaga saaraan magaalada.

Xoghayaha fulinta dawlada Hoose ee Berbera C/kariin Aadan Cadde, ayaa sheegay inay ku hawlan yihiin sidii ay Biyaha daadadku magaalada ku soo rogeen ay uga saari lahaayeen, wuxuuna intaas ku daray in Dooxa ugu weyn ee magaalada Biyaha ku soo rogay uu xidhnaa muddo afartan sanno ah.

Sidoo kale, Maareeyaha guud ee Dekedaha Somaliland Siciid Xasan C/laahi, oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay doorkooda ka qaadanayaan wax ka qabashada daadadka ku soo rogmaday Berbera.

Guddoomiyaha gobolka Saaxil Eng. Axmed Cismaan Xasan, oo halkaas ayaa caddeeyey inaanay jirin wax khasaare nafeed iyo maal ah oo ka dhashay daadadkaas ku soo rogmaday Berbera, balse ay dadka guryaha ugu galeen oo ay halis galiyeen, isagoo bogaadiyey bulshada ku dhaqan Berbera oo uu sheegay inaanay u kala hadhin hawsha magaalada Biyaha lagu dhaafinayo.