Golaha Guurtidda Somaliland Oo Ka Nabadda Ceel-afweyn

Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland
Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland

Hargeysa (Aftahannews)- Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan

Hargeysa(Aftahannews)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida JSL, Md. Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Xildhibaanno ka tirsan Golahaasi ayaa soo dhaweeyay heshiiska nabadeed ee ay wadagaadheen Ardaayada Degmada Ceel-Afwayn.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland oo ay weheliyaan qaar ka mida xildhibaanada Golahaasi oo si wada jir ah warbaahinta ula hadlay waxa ay bogaadiyeen nabadii ka dhalatay deegaanka Ceel-Afwayn.

Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan, oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dadka deegaankaasi nabadda u bislaadeen xiligan ayna ka rajaynayaan in nabadda lagu soo xidhay Ceel-Afwayn ay noqoto mid waarta.

Dhinacooda  qaar kamida xildhibaannada Golahaasi oo ay ka mid ahaayeen xildhibaan Khadar Xuseen iyo xildhibaan Cumar Nuur Waaye, ayaa bulshada Ceel Afwayn ku bogaadiyay Nabadda ay isla qaateen waxaanay ku booriyeen in ay halkaasi ka sii wadaan horumarka bulshada oo ay waxyeelaysay amni daradii halkaasi hore uga jirtay.