Xukuumadda Somaliland Oo Soo Bandhigay Naxariis Darrada Danyartu Kala Kulanto Dr. Gaboose

Hargeysa (Aftahannews)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland  Mudane  Maxamed Muuse Diiriye  ayaa jawaab adag ka bixiyay eedo uu Dr. Maxamed Cabdi Gaboose shalay  u jeediyay Xukuumadda Somaliland.Wasiirka   Warfaafinta isala markaana ah afhayeenka Xukuumadda, ayaa Dr. Gaboose ku sifeeyey Dhakhtar u adeega inta lacagta haysata.“Dr. Gabboose  muu eedayn xukuumadda hadda jirta oo kaliya ee xukuumaddihii dalka soo maray oo dhan wuu eedeeyay, waana kuwii uu xilalka ka soo qabtay. Xukuumaddii madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim  Cigaal muddo kooban ayuu xil ka hayay, waana ninkii saddexddii habeennimo loo qoray warqadda eriga ah.

 Gaboose intaas oo dhan wuu joogay isaga oo ah Wasiirka arrimaha gudaha ah muddo yar oo kooban.wuxuu ahaa ninkii keligii maxkamadda noqday, shir beeleed ayuu ka qeyb galay, marka uu beelo ka hadlayo, isaga ayaa dadka wax xumanaya ee dadka kala fogeynaya ka mid ahaa,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Maxamed Muuse Diiriye oo maanta u warramay Laanta Afsoomaaliga ee VOA-da.Wasiirka warfaafinta mudane Maxamed Muuse waxaa uu sheegay in Dr. Gaboose uu yahay nin dhaktar ah oo leh Cisbitaal weyn, balse aanu u adeegin dadka danyarta ah ee ay ahayd in uu u naxariisto, waxaanu yidhi  “Dr. Gaboose waa dhakhtar weyn oo aan u adeegin dadka faqiirka ah, balse u adeega dadka wax haysta, waxaa habbooneyd in dhakhtarka uu maanta gacanta ku hayo uu xirfadiisii ah in uu shacabka danyarta ah ugu naxariisto maanta ayuu gacanta ku hayaa oo ay xirfaddiisi tahaye in uu u naxariisto dadka danyarta ah ee aan awoodin lacagta tigidhka ee uu ka qaado ee aanay ciddiba awoodi karin, markaa waxaan odhan lahaa taa ka shaqee. 

Haddii uu meel kale sheegayana dalka dhibaato kama jirto haddii aanu isagu abuurayn.”Wasiir Maxamed Muuse Diiriye wuxuu intaas ku daray  “Meel dhibaato ka jirto ma hayno, haddaanu isagu abuureyn, jabhada uu sheegayaa waa Caarre oo maalin kaliya kamuu hadal. Wabarna reerkiisa ayaa hortaagan, Itoobiyana waanu ka wada hadalnay, heshiisyo ayaa laga gaadhay, arrinta doorashada  odayaasha beeshiisa ayaa ka hadlay, waxaa uu u qodqodayaana waa arrin kale laakiin way ka fashilantay.”