Halkee ayuu Marayaa Dhismaha iyo Maalgeshiga Shirkadda Daqiiqda ee Boodhari Mills? – Waraysi uu bixiyey Maareeyaha Guud – Daawo

Hargeysa(aftahannews):- Maareeyaha Guud ee Wershadda Wax-soo-saarka Daqiiqda iyo Calafka Xoolaha ee Boodhari Mills Cabdiraxmaan Sheekh Axmed, ayaa faahfaahin ka bixiyey halka uu marayo maalgeshiga iyo Dhismaha Wershaddan oo nooceedu ku cusub yahay Somaliland, taas oo laga hirgeliyey deegaanka Abaarso ee Duleedka Galbeed ee magaalada Hargeysa.

Boodhari Mills oo ah Shirkad saamiley ah oo ay maal-gasheen muwaadiniin u dhashay Somaliland oo ku kala dhaqan daafaha dunida, ayaa dhawaan heshiis la gashay qaar ka mid ah beeralayda Somaliland oo ay ku caawiyeen qalabka wax-soo-saarka dalagga iyo siidhka Qamadiga, kuwaas oo dabooli doona baahida wax-soo-saar ee Wershadda.

Haddaba, waxaannu Waraysi dhinacyo badan taabanaya oo Weriye Maxamed ilig oo ka tirsan  Horn Cable TV la yeeshay Maareeyaha guud ee Shirkadda Boodhari Mills Cabdiraxmaan Sheekh Axmed, idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.