Chelsea Oo Taako Loo Dhigay + Liverpool Oo Guul Gaadhay + Natiijooyinka Kulamaddii Caawa

Waxaa caawa la ciyaaray kullamda afaraad ee heerka group-yada tartanka xiisaha badan ee Champions League, iyadoo kooxihii caawa ciyaaray ay ugu muhiimsanaayeen, Liverpool, Chelsea Iyo Inter Milan.

Kooxda Liverpool ayaa guul ka gaadhay naadiga Genk oo marti ku ahayd garoonka Anfield, kaddib markii ay ku garaacday 2-1, ciyaar ka tirsanaa kullamada afaraad ee tartanka Champions League, iyadoo ay Reds goolasha u kala dhalliyeen xiddigaha Georginio Wijnaldum iyo Alex Oxlade-Chamberlain.

 

Dhinaca kale Kooxda reer Holland ee Ajax ayaa taako u dhigtay naadiga ka dhisan Galbeedka magaalada London ee Chalsea oo ku ciyaaraysay garoonkeeda Stamford Bridge, kaddib markii ay ku kala baxeen barbaro 4-4 ah, goolasha Blues waxaa u kala dhaliyay Jorginho oo laba gool ah, Reece James iyo Cesar Azpilicueta.

Si la mid ah kooxda Borussia Dortmund ayaa guul soo laabasho ee cajiib ah ka gaadhay naadiga reer Talyaani ee Inter Milan, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-2.

GROUP E

Liverpool 2 – 1 Genk

Napoli 1 – 1 Salzburg

GROUP F

Barcelona 0 – 0 Slavia Prague

Borussia Dortmund 3 – 2 Inter

GROUP G

Zenit St. Petersburg 1 – 2 RasenBallsport Leipzig

Lyon 3 – 1 Benfica

GROUP H

Chelsea 4 – 4 Ajax

Valencia 4 – 1 Lille