Cabashada Shirkada Diyaaradaha Ee Flydubai Ma Gar Baa?Cabdikariim Cali Cilmi (Baarjeex)

Filed under: Aragtida Bulshada |

Bishii hore Maalin axad ah oo ku beegnayd 20kii Oktoober, diyaarad ay lahayd shirkada Flydubai oo ka soo duushay Dubai una socotay Hargeysa ayaa loo wareejiyey ama u wareegtay dhinaca madaarka Djibouti, ka dib markii ay fadhiisan kari wayday garoonka Hargeysa daruuro joogoodu hooseeyo iyo ceeryaamo wakhtigaa duljoogtay garoonka darteed.

Subaxdaa waxaan arkay diyaaradan oo ku dul wareegaysa garoonka ka bacdina u jihaysatay waqooyi. Waan fahmay in la wareejiyey (diversion), hase yeeshee may jirin meel aan ka xaqiijin karo wareejintaa, maadaama Garoonka iyo Hayada duulista midkoodna aanuu lahayn Website ama Blog lagu soo bandhigo laguna baahiyo macluumaadka, isla markaana aanay social mediaha ama baraha bulshada ee wararka iyo macluumaadka la isugu gudbiyo sida Twitter, Facebook aanay Garoonka iyo Hayada midkoodna lahayn.

Ugu dambayntii, waxaan ka xaqiijiyey wareejintaa diyaaradaa websiteyada iyo applicationska laga ogaado macluumaadka duulimaadyada laguna raadraaco (tracking) oo uu ka mid yahay flightradar24.com. Hubintaa ka bacdi, bartayda Facebooga ayaan bulshada ugu soo bandhigay in la wareejiyey diyaaradaa. Dhacdadaa halkaa ayaan ku ilaaway.

Hase yeeshee, 02dii November waxa uu TVga Horn Cable baahiyey war iyo warbixin uu ka diyaariyey dhacdadaa. Tvgu waxa uu sheegay inuu helay warqad cabasho ah oo Flydubai u soo qortay Maamulka garoonka diyaaradaha Hargeysa, warqadaas oo ay shirkadu ku sheegtay in war khalad ah iyo macluumaad wakhtigoodii dhaafay la siiyey duuliyihii waday diyaaradaa loo wareejiyey Djibouti, isla markaana runwayga oo aan diyaar ahayn loo sheegay inay diyaaradu soo fadhiisan karto. Waa laba arimood oo halis ku ah badqabka (safetyga) dadka iyo diyaaradaba.

Waxaan is weydiiyey muxuu ahaa macluumaadkaa khaldan ee la siiyey diyaaradu? Yaa siiyey ama bixiyey macluumaadkaa? Wakhti intee leeg ayaa u dhaxeeyey markii warbixinta cimilada la diyaariyey iyo markii loo gudbiyey diyaarada? Ceeryaanta iyo daruuraha sababay wareejinta diyaarada, maamulka garoonku ma eed buu ku leeyahay? Masuulkii (Supervisor) qaybka diyaarada laga hago (Tower) joogay ama hagihii (Air Traffic Controller) shaqada ku jiray ee xidhiidhka la samaynayey diyaaradu ma guydbiyey xaalada dhabta ah ee cimilada (Daruur, Ceeryaan, Dabayl, iwm) ee markaa ka jirtay garoonka iyo dhabaha (Runway) diyaaradaha? Wareejinta diyaaradu ma khasab ayey ahayd mise ikhtiyaar? Shaqaalihii xirfada iyo aqoonta lahaa ee dhowaan shaqada uu ka fadhiisiyey Maareeye Rodol, ma la odhan karaa kaalintii ay baneeyeen ayaa keentay baylahdan iyo ceebtan hadda soo baxday? Suaalahaa iyo kuwa kaleba waxa si dhab ah uga jawaabi kara cida u xog ogaalka ah dhacdadaa oo ah Maamulka Madaarka iyo Masuuliyiinta Hayada Duulista, balse aan kalmad kooban ka idhaahdo dhacdadan.

Horta Aviationku sidiisaba waa system, hab iyo silsilad isku wada xidhan, wada shaqeeya oo xog iyo macluumaad is dhaafsada min duuliyaha diyaarada wada (Pilot), hagaha diyaaradaha (Air Traffic Controller) ilaa shaqaalaha garoonka (dispatcher etc) ee ku hawlan adeega dhoofayaasha (passengers). Dhamaantood waxay kala qaataan oo is weydaarsadaan xogta iyo macluumaadka la xidhiidha rakaabka, cimilada iwm, si duulimaad kastaa uu si nabadgelyo ah ugu gaadho goobtii uu u socday, shaqaduna si habsami ah ugu socoto, hakad la`aan. Hadaba, xogtaa la is weydaarsanayaa waa inay ahaataa mid ka soo baxday jiho rasmi ah oo u xilsaaran (official), waaa inay noqotaa xog hadda taagan (live) oo loo baahan yahay, waana in loo gudbiyaa cida ay khusayso weliba wakhtiga ugu haboon ee saxda ahna ay ku gaadhaa.

Ururinta iyo bixinta xogta iyo macluumaadka kala duwan la xidhiidha duulimaadyada waxa u xilsaaran qaybo kala duwan oo ka tirsan aviationka sida Xafiiska qaabilsan cimilada iyo saadaasha hawada. Hadaba, maadaama arinka diyaaradaa la wareejiyey ama wareegtay uu la xidhiidho cimilada aan si kooban isu dul taago qodobkaa.

Xafiiskan qaabilsan cimilada iyo saadaasha hawada (Meteorological Office) oo sida caadiga ah ku dhex yaala garoomada diyaaradahu waxa uu u kuurgalaa (observation) isla markaana saadaaliya (forecast) soona gudbiyaa (reporting) hadba xaalada cimilada taagan amaba la filayo ee ka jirta madaarka. Waxay sheegaan nooca daruuraha dul hoganaya garoonka, masaafada ay u jiraan dhulka ama joogooda, aragtida iyo inta masaafo ahaan laga arki karo dhabaha diyaarada (runway), ceeryaanta jirta, dabasha xoogeeda iyo jihada ay u socoto iwm.

Xafiiskani xogtaa cimilada helitaankeeda, saadaalinteeda iyo soo bandhigideeda waxa uu u adeegsadaa habab iyo qalab kala duwan sida World Area Forecast System (METAR), Airfield Weather Observation, Terminal Aerodrome Forecast (TAF) iwm. Xogtaa waxa loo gudbiyaa meelo iyo dhinacyo kala duwan sida qaybta hawlgalinta garoonka (airport operations), xarumaha hawlgalinta diyaaradaha (airlines operations) dirayaasha diyaaradaha (dispatchers), Air Traffic Serviceska, Air Traffic Controllka iyo cid kasta oo u baahan xogtaas.

Haddiiba ay dhacdo xaalad cimilo oo degdeg ahi sida roobab waaweyn, dabaylo xoogan, danab, ceeryaan badan, daruuro culus oo hooseeya, aragtida oo yaraata ama masaafada wax laga arki karo oo soo koobanta iwm, haddii arimahaasi yimaadaan, xafiiskani waxa uu bixiyaa digniino isaga oo adeegsanaya habka loo yaqaan SIGMET (significant meteorological) kaas oo sheegaya in xaalad adag oo cimilo ay ka jirto garoonkaa. Sidoo kale waxay soo saaraan waxa loo yaqaan SPECI ama special report cusub oo badalaya kuwii hore kaas oo qeexaya waxa cusub ee ku soo kordhay xaaladii cimilo ee jirtay sida masaafadii aragtida oo sii yaraatay iwm. Dhamaan diyaaraduhuna waxay ku khasban yihiin inay raacaan oo ku go`aan qaataan warbixiniba warbixinta ay ka dambayso.

Marka aan raaco warbixintii Horn Cable TV, waxa muuqata in diyaaradaa Flydubai loo gudbiyey warbixin cimilo oo wakhtigeedii dhacay taas oo aan ka turjumayn xaalada cimilo ee markaa taagnayd oo ahayd ceeryaan culus iyo daruuro guuraya oo duljoogay garoonka. Sida caadiga ah warbixinta cimilada waxa la cusboonaysiiyaa saacad kasta, oo warbixintii saacad ka hor la soo saaray waxa dhici karaysa in xaaladu isbedesho oo ay noqoto wax gaboobay, aan run ahayn ama khaldan.

Marka aan hadalka soo koobo, ogaantay Hargeisa Airport ma lahayn xafiis qalabaysan oo qaabilsan ogaanshaha iyo saadaasha cimilada, mana jirin qalab casri ah oo loo adeegsado ogaanshaha iyo saadaalinta hawada oo yaala garoonka. Hadaba su`aashu waxay tahay, warbixintaa cimilada yaa diyaariyey? Sidee loo diyaariyey? Goorma ayaa la diyaariyey? Goorma ayaa la gudbiyey? Yaase gudbiyey? Mase ahayd mid sax ah oo la isku halayn karo?

Waa wax caadi ah in ceeryaamo dul hogato garoon diyaaradeed, waxase ay badanka garoomada caalamiga ahi leeyihiin qalabka loo yaqaano Instrument Landing System (ILS) kaas oo diyaaradaha u sahla inay dagi karaan garoonka. Qalabani waxa uu diyaarada ku soo hagaa kuna soo hogaamiya dhabaha ay ku dagayso ceeryaan iyo daruur kasta oo jirta. Habka uu qalabkani u shaqeeyaa waa isaga oo diyaarada ku soo beega barta ay ka dagayso (localiser), sidoo kalena ku hogaamiya diyaarada xagasha degitaanka (glide path), labadaa hab ayaa suurtogaliya in diyaaradu soo dagto wakhtiyada aragtidu kooban tahay. Nasiib darro, garoonka Hargeisa waxa uu ku shaqeeyaa aragti kaliya, mana laha qalabkan iyo qalabada kale ee ku caawiya duuliyayaasha inay ku dagaan garoomo ceeryaamo ku gadaaman tahay sida Navigation Aids System oo ay ka mid yihiin laydhahka kala duwan ee lagu xidho dhabaha diyaaradu ku dagto kana duusho sida approach iyo centreline lights iwm.

Hadaba, haddii ay ceeryaamo iyo daruuro dul hoganayeen garoonkii Hargeisa, qalab casri ah oo lagu ogaado ama lagu saadaaliyo cimiladuna aanuu oolin, ku darsoo garoonkuna aanuu lahayn qalabka sahla soo degitaanka diyaaradaha ee ILS, diyaaradiina ayba soo dhaw dahay (approach) xalku muxuu noqonayaa?? Mar haddii xogta cimilada jirtay loo gudbiyey duuliyaha oo Air Traffic Services teamka ama Air Traffic Controllersku ay ugu gudbiyaan Radioga, masuuliyadu waxay saaran tahay duuliyaha isaga ayaana goaan ka qaadan kara xaalada iyo waxa uu yeelayo. Waxa u furan inuu garoon kale u wareego (diversion). Waxa uu kari karaa inuu muddo kooban ku dulwareego garoonka (haddii shidaalku ku filan yahay) isaga oo naawilaya in aragtidu wanaagsanaato ama ceeryyaantu yaraato. Waxa uu yeeli karaa inuu isku dayo degitaan isaga oo maanka ku haya badqabka dadka iyo diyaaradaba (safety). Waa goaan qaadasho culus. Sida muqata duuliyihhii waday diyaaradaasi waxa uu doorbiday inuu ku dago Djibouti oo halkaa ku baxnaaniyo inta ay cimiladu wanaagsanaanayso.

Hase yeeshee, wareejinta diyaaradaasi loo wareejiyey ama ay u wareegtay Djibouti waxay shirkada Flydubai galisay kharash hor leh maadaama Djibouti ay ka qaadayso shirkada lacago kala duwan sida kharashka dagitaanka (landing fees) iyo kharashka hagida (navigation charge) iyo kuwo kaleba. Intaa waxa dheer, jadwalkii shirkada waxa ku dhacaya khalkhal iyo habsaan, maadaama diyaaradani ay meelo kale u sii duulaysay noqodkeeda. Dad badan oo noqodka diyaarada Dubai u raaci lahaa ayaa habsaamay. Dad badan oo diyaarado kale sii raacayey (connections) ayey dhici kartaa inay ka habsaamaan diyaaradahoodii. Ku darsoo waxa dhici karaysa in saacadihii xadidnaa ee xeerku dhigayey ee loo qorsheeyey inay duuliyaha iyo shaqaalihiisu (Crew) shaqeeyaan inay cidla ku dhamaadaan oo ay noqoto in diyaarad kale iyo crew cusub la dalbo. Ama ay khasab noqoto in Crewgii oo saacado badan oo siyaado ah shaqada ku jirey inay diyaarada dib ugu duuliyaan ilaa Dubai taas oo sababi karta daal (fatigue) ku yimaada crewga oo saamayn ku yeelan kara badqabka dadka iyo diyaaradaba (safety). Sidaa daraadeed, waxa dhici karaysa in cabashada shirkadu halkaa ku salaysan tahay. Waxa dhici karta in shirkadu aaminsan tahay in wareejintaasi aanay daruuri ahayn. Si kastaba ha ahaatee, shirkadu inay cabasho gudbiso xaq ayey u leedahay maadaama ay macmiil (customer) u tahay garoonka diyaaradaha ee Hargeisa iyo Hay`ada Duulistaba.

Waxa xusid mudan in 19 March 2016 diyaarad ay lahayd shirkada Flydubai ay ku dhacday garoonka Rostov on Don ee ku yaala dalka Ruushka, halkaas oo ay ku dhinteen dhamaan shaqaalihii iyo rakaabkiiba oo tiradoodu dhamayd 62 qof. Sabab la xidhiidha cimilada oo xumayd iyo aragtida oo yarayd ayaa keentay inay diyaaradu muddo badan ku dulwareegto garoonkaa, laba jeerna duuliyuhu wuxuu isku dayey inuu diyaarada fadhiisiyo taas oo aan u suurtogalin. Hadana mar saddexaad ayuu isku daygii ugu dambeeyey sameeyey kaas oo sababay burburka diyaarada iyo shilkaa dhacay. Sidaa daradeed Flydubai xasaasiyad ayey ka qabtaa cimilada xumaata iyo aragtida yaraata ee garoomada ay u duulaan.

Haatan iyo dan, dib u eegis iyo dib u qiimayn ha lagu sameeyo dhamaanba shaqaalaha ka hawlgala madaarka iyo hay`adaba. Kor ha loo qaado aqoontooda oo tababaro gudaha dalka loogu qabto iyo kuwo dibeda loogu diroba ha loo diyaariyo. Ha la qalabeeyo garoonka oo qalabka daruuriga u ah garoomada caalamka ha la keeno, hana la tababaro dadkii ku shaqayn lahaa. Ha la soo celiyo shaqaalihii aqoonta iyo khibradaba lahaa ee shaqada laga fadhiisiyey dhawaan. Aduunka kama dhacdo in shaqaale aqoon naadir ah leh oo dalku u baahan yahay in si sahlan loo eryo.

Halkaa ha joogto maanta

Cabdikariim Cali Cilmi (Baarjeex)
Aviation Consultant
Herer Aviation Solutions
www.havisol.com

You must be logged in to post a comment Login