Cabdillaahi Fadal: 13 Sanno Ka Hor Iyo Kulankayagii!

Dhitada taariikheed iyo sooyaalka nolosha qof waliba si taban iyo si toganba wax buu ugu darsadaa, hadba waxay ku xidhan tahay halka la iska taago. Maalin Ramadaan ah oo cadceeddu kulushahay, ayaa salaaddii jimce markii laga baxay waxa dariiqyada Hargeysa, gaar ahaan suuqa dhexe isqabsaday muddaharaad iyo rabshado abaabulan. Waa 29-kii September 2006. Dadweyne dhallinyaro u badan oo qaarkood aanay garanayn xaqiiqada waxay ka muddaharaadayaan, ayaa rabshado gacan-ka-hadal wata ka waday magaalada. Waxaan ka soo baxay Wargeyskaygii Ogaal oo xafiiskiisu ku ag-yaallay Masjidka Rusheeye (Sh. Dirir masjidkuu tujiyo). Waxaan sitay kamarad weyn oo wakhtigaa ay geli jirtay cajalad la odhan jiray Floppy Disk oo sawirrada lagu qaado. Waxaannu kulannay Cabdishakuur-Heersare oo isaguna wakhtigaa ka shaqaynayay Wargeyska Geeska Afrika oo aan naga fogayn, balse bilo ka hor wakhtigaa la bilaabay. Markaannu iswareysannay baannu ogaanay in labadayaduba doonayno in sawirro ka soo qaadno, kana soo waranno mudaharaadka.

Markaannu hormarayno Xafiiska Daallo ayaannu aragnay dad gadoodsan oo qaarkood dhagax la dhacayaan, qaarna dushaba ka fuuleen gaadhi ay leeyihiin ciidamada Booliisku, balse aanay cidi ku jirin. Markaannu dhawr sawir ka qaadnay, ayaannu dhaafnay. Waxaannu agmarnay dugsiga Sheekh Bashiir, waxaannu dhexgalnay xaafadda laynka Bileyska. Annagoo aan war haynin, balse aan moogganayn inta ay le’eg tahay dhibta jirtaa, ayaannu gaadhnay garoonka xaafaddaa ku yaalla. Waxaannu aragnay dadweyne mudaharaadaya oo budad iyo dhagxaan sita. Sawirro ka qaada ayaannu is-nidhi, “Alla waa kuwan kuwii warka beenta ah sameeyay” ayay qaarkood yidhaahdeen. Orod baabay noo soo baratameen. Aniga iyo Cabdishakuur ba dhulkaa nagu yaraaday. Waxaan xusuustaa inay dhawr jeer maskaxdu i amartay inaan cararo, balse awood aan waayay iyo itaal aan ku ordo, waayo xaglaha lugaha ayaa tiirsanaanta sii daayay naxdin awgeed. Maannu filayn dad cadow noo arka inaanu afka uga gelayno.

Annagoo quus taagan oo sugayna uun wixii na haleelaya, ayuu halka fooqa Dahabshiil ee Baanku ka dhisan yahay ee ku beegan saldhigga dhexe ee Booliiska Hargeysa oo markaa masaafo noo jiray, waxa ka soo baxay gaadhi xawaare aad ah ku socda. Ma garanayo xawaaraha uu ku socday inta uu le’ekaa, balse wuxuu hortayada soo istaagay iyadoo dadkii aanay wali na soo gaadhin. “Soo fuula gaadhiga” ayuu yidhi, inta uu daaqadda naga furay. Askari baa ka soo booday gaadhiga oo agtayada istaagay. Goor aan galay ma ogi, waxaan is-arkay anigoo gaadhiga ku jira. Markaas ayay dadkii na soo gaadheen.”Keen kamaradda” inta uu yidhi, ayuu iga qaaday. “Meel walba bahashaas baa la gelaysa!” ayuu raaciyay. Gaadhigii ayaa xawaare sare ku dhaqaaqay, iyadoo dadkii doonayaan inay nagala dagaan gaadhiga. Markaas ayaan gartay qofka kursiga hore fadhiya ee kamaradda iga qaaday inuu yahay Cabdillaahi Fadal Iimaan oo ahaa taliyihii hawlgelinta ee ciidamada booliiska.

Walow uu nabar sahlani foodda hore kaga dhacay, haddana Cabdishakuur-Heersare isna gaadhiga ayaa la soo saaray. Waxa nala geeyay saldhigga dhexe. “Waa saxafiyiin ee ha xidhina’e, halkaa ku haya” ayuu ku yidhi askartii, isagoo tilmaamaya qolka dacwad-qoraalka (OB). Sheekadaasi way dheerayd’e, saddex saacadood ka dib ayaa nala soo daayay. Maalintaas waxaan isweydiiyay, ‘Ka warrama haddii aanu Taliye Fadal sabab u ahaan lahayn badbaadadiina?’ ‘Haddii aanu iman lahayn maxaa dhici lahaa?’ Dabadeed waxaan sawirtaa in dad gadoodsan oo dhagax iyo bud sitaa na kala goosan lahaayeen. Waa mid ka mid ah intaan u soo taagnaa heegankiisii iyo hawlkarkiisii.

Ilaahay ha u naxariisto Cabdillaahi Fadal Iimaan isagoo ah Sarreeye Gaas, taliyaha guud ee Ciidamada Booliiska Somaliland, ayuu xaqii ku helay maanta Hargeysa. Samir iyo iimaan dhammaanteen iyo Qarankaba.

Barkhad M. Kaariye