SOMALILAND WAA U GAR IN AY LA SOO NOQOTO GOBONIMADII AY U HIBAYSAY SOMALIWAYN. W/Q: Khadar Abdirahman Yacquub

1-Somaliland Waxa ay Xoriyada ka qaadatay Maxmiyadii Boqortooyada ingiriiska 26 Juun 1960’kii. Halka soomaaliya ka qaadatay Gumaystihii Talyaaniga 1 July 1960’kii,Sidaa darteed waxa ay ahaayeen laba wadan oo isu tagay kuna midoobay jamhuuriyada Soomaaliya isla taariikhdaa danbe ee 1 July 1960’kii. Sida balanku ahaa lana sii wada ogaa maadaama oo ay dhamaatay ismaamul hoosaadkii ku eekaa 10 sano ee reer koonfureed loo balan qaaday in xoriyada la siiyo .soomaaliya wali waxa ay dafirsantahay midowgii labada dal, waxa ay ku tiraabtaa labadii gobol ee waqooyi iyo koonfur ee midoobay, waa gef Cad. Somaliland waxa ay ahayd dowlad xornimada qaadatay in ta aanay la midoobin jamhuuriyadii Soomaaliya Shan Maalmood ka dib markii ay iyana gumaysyihii talyaaniga ka qaateen xoriyadoodii. Somaliland kuma ay khaldanayn modowga ay la midowday Koonfur oo markaa waxa la raadinayay shan soomaaliyeed iyada ayaana ugu horaysay raadinta midnimo soomaaliwayn. mar hadii dhinacyadii kalle ee la raadinayay hoos galleen dowladihii ay isticmaarku raaciyeen dhulkii ay somalidu lahayd Oo Somali Galbeed la raaciyay Ethiopia halka N.F.D la raaciyay kenya iyaguna maanta ay ku qanacsanyihiin Nidaamka dowladnimo ee ay ka tirsanyihiin , Djiboutina calankeedii gaar u qaadatay oo ay tahay dowlad madax-banaan. SOMALILAND waa u gar in ay la soo noqoto xoriyadeedii ay u hibaysay midnimadii Somaliwayn .

{2} Is raacii Iyo Midowgii labada dal Iyada oo ay ka dhalatay Sedbursi la’aan awood Qaybsigiina Koonfur isugu ururay tabashadii reer Somaliland halkii taagantahay waxa dhacday Doorashadii labaad ee dalka ka dhacda 1967’kii Waxa ku Guulaystay Xisbigii S.Y.L Oo ay hogaaminayeen C/Rashiid Cali Sharmaake Iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Waxa ay bedeleen oo doorashadaa kaga guulaysteen Aadan Cabdulle Cismaan, Madaxwaynihii ugu horeeyay ee ay soomaali yeelato.Khaladaadka ay gashay waxa ka mid ahaa fullin la’aantii waxyaabo badan oo lagu heshiiyay xaga Sharciga Midowga labada dal. Waxa markii koowaad la soo dhisay xukumad ka kooban Waqooyi Iyo Koonfur oo laga dhursugayay Wax ka qabashada Tabashadii ka dhalatay israacii labada dal . Sheeko aanay ilaa maanta dadka Soomaaliyeed ogaan sababteeda ayaa 15 October 1969’kii lagu dilay Magaalada Laas-caanood madaxwaynihii dalka AHUN C/Rashiid Cali Sharmaake. lix cisho ka dib oo ku beegan 21 October 1969’kii ayuu taladii dalka Inqilaab Military ku qabsaday Maxamed siyaad barre. Inkasta oo la soo dhaweeyay markii hore hadana inqilaabkaa lama mahadin waxa ay halkii ka sii waday culayskii iyo dhibtii lagu hayay reer Somaliland waxa ay sabab u ahayd Xasuuq, tacadi iyo Xadhig loo gaysan jiray dadkii markaa ku noolaa gobolada waqooyi maantana ah Somaliland, taasina waxa ay horseeday dagaal dhex mara Jabhadii “SNM” iyo dowladii Maxamed siyaad barre waxa ku dhintay dad aad u badan tiro ka badana way ku barakaceen, Waxa dhacay burbur naf iyo maalba leh Ugu danbayntiina dowladii waa la riday Somaliland’na waxa ay la soo noqoto xornimadii ka luntay 26 juun 1960’kii. Cid kasta oo dagaalkaa hogaaminaysay ama qayb ka ahayd xasuuqii loo gaystay shacbiga Somaliland waa danbiileyaal ay tahay inta nool in la maxkamaddeeyo sharcigana la hor keeno, halka koonfur ama somaliya Uu ka yahay geesi qaran oo waajib dastuuri ah gudanayay ,waa laba aragtiyood oo kala fog .

{3}Somaliland waxa ay xornimadii luntay la soo noqotay 18 may 1991’kii waa 28 sano. Markii halgankii dhamaaday waxa bilaabmay halgan kalle oo ah mid dib u dhis. waxa u Qabsoomay wax badan oo aynu ka xusi karno Nabadayntii Beelaha Somaliland, Hub ka dhigistii iyo qaramayntii jabhadii wadanka qabsaday, Calan, dhisidii kaabayaasha dhaqaalaha, Lacag u gaar ah oo shaqaysa , Passport, Dastuur shacbigu ugu codeeyay 97 %, Nidaamka dumyraadiyadda Iyo asxaabta badan. Waa horumar iyo guul lagu gaadhay mudo aan badnayd waayo waxa wax laga soo bilaabay meel hoose. Somaliland waan ku hambalyaynayaa in ay horumar ku gaadhay mudo rubuc-Qarni ah . Mabda’a ay ku dagaalamaysay “SNM” inkasta oo aan Qorshe cadi uga oolin Xoraynta dalka ka dib, hadana waxa ay ku guulaysatay in ay mudo laba sano ah ku wareejisay taladii dalka Oo ay hogaankeeda qabatay ku dhawaaqidii Gooni isku taaga Somaliland 18 may 1991’kii Mudo Xileedkeeduna ahaa laba sano 1991’kii -1993’kii. Koonfur Dhibta taalaa waxa weeye marka laga reebo”USC” oo la sameeyay dabayaaqadii Dagaalda, Badi Hubkii Iyo Tiknikadii Dowladu waxa uu gacanta u galay dad shacab ah oo u badnaa dhalinyaradii kacdoonka ka bilaabay caasimadii muqdisho, Waa mid ka mid sababaha ay ilaa maanta u qasantahay. Laba wadan oo xor ah oo markii hore midoobay Sharci ahaan haddii ay kala go’ayaan waa in wada hadalku ka bilaabmo labada dhinac ee markii hore midoobay. Laakiin soomaaliya wax ka sii dhaca mooyee wax u kordhaa ma jiro waxa loo qabtay ilaa sideed shir mid kastana waxa lagu soo dhisay madaxwayne iyo gollihiisii xukumada wali dowlad taabo gashay oo ku guulaysatay dhamaystirka nidaamka dowladnimo oo wada gaadha goboloda kalle ee dalka ma jirto, tusaale ahaan amaanka oo ah qodobka ugu mihiimsan wali waa caqabada koowaad ee hor taagan Soomaaliya ama koonfur waayo meel aan amaan ka jirin wax ka suuro gali karaa ma jiraan wada hadalna suuro gal ma aha ilaa nabadu timaado. Intaa ay Somaliland qabsatay Iyo Nabad-galyada ka jirta ilaa dhinaca kalle gaadho oo isu dhigmaan marna suuro gal ma aha in la wada hadlo ama la isu soo dhawaado .

FG. Dhibka Ka jirta Muqdisho marna shacabka reer Somaliland raali kama aha, waxay jecelyihiin Nabad, jaarnimo Iyo wada noolaansho . Wabilaahi Towfiiq .