Wax Ka Baro Taariikh Nololeedkii Sh. Maxamed Macalin Xasan. WQ: Khadar Abdirahman Yacquub

Filed under: Aragtida Bulshada |

Sheekh Maxamed Macalin Xasan Oo ka mid ahaa Culimada Soomaaliyeed kuwa ugu magaca wayn waxa uu ku dhashay baadiyaha Gobolka Baay sanadkii 1934’kii Qoys ahaan Khalfiyada uu ka soo jeeday waa qoys culimo ah aabihii waa Sheekh Macalin Xasan Oo Caan Ka ahaa kana soo jeeday Gobolka Hiiraan. sheekh maxamed qur’aanka Kariimka ah waxa uu xafiday isaga oo yar Aabihii ayaana baray. markii aabihii geeriyooday Sheekh Maxamed da’diisu waxa ay ahayd 9-jir Waxa kafaala qaaday abtigii. markii uu in mudo joogay baadiyaha gobolka Baay waxa uu abtigii ku soo daray safar u soo socdaalay Faafan oo Ethiopia ah gaar ahaan Meel u dhow magaalada jigjiga . Waxa uu ku xidhmay Culimadii Loo doonan jiray barashada Cilmiga Diinta islaam, Kitaabka Safiinaha gaar ahaan Mukhtasir waxa uu ka dhigtay Sheekh Muxumed Cabdillahi oo ka mid ahaa Culimada Xerta.

Halkii ayuu ka noqday Macallin dugsi oo la yaqaan oo ay ku soo dagaan xerta iyo Sheekhooduba. Waxaa meesha ugu yimid nin Sheekh ah oo la odhan jiray Xaaji Cali oo ka yimi Sacuudiga magaalada Maka, wuxuuna dugsi ka furay magaalada diri-dhabe waxa uu sheekh cali ka dhigtay alfiyaha oo ah cilmiga naxwaxa . Waxa uu sii waday barashada cilmiga diinta islaamka waxa uu u soo wareegay Magaalada jigjiga oo uu ku xidhmay Sheekh Cali jowhar Iyo Sheekh Axmed Sheekh Ibraahim Baraawe Iyo Waliba Sheekh Muxumed Warsame oo uu ka kala bartay Tafsiirka Qur’aanka kariimka ah, Fiqiga Iyo Axaadiista .

Hargaisa ayuu yimi in mudo ahna Macalin ka ahaa waxa kale oo uu Tafsiirka Qur’aanka kariimka ah ka marin jiray Masjid Jaamaca Magaalada Hargaisa. waxa uu bilaabay geeddigiisii labaad ee safarka wax barasho 1958’kii ayuu u ambo baxay masar waxa uu sii maray Ethiopia,Eritrea Iyo Suudan ugu danbayna ku tagay dalka masar oo ka mid ahaa meelaha ugu badan ee loo doonan jiray Cilmiga diinta Ismlaamka iyo maadiga’ba waxa kalle oo taalay Ilbaxnimo Sare. Waxa uu u fadhiistay imtixaankii ogolaanshaha jaamacada ama امتحان قبول Oo ah imtixaanka qofka aqoontiisu halka ay gaadhsiisan lagu ogaado .

Maadaama oo ay aqoontiisu dhisnayd Cilmigii diinta ee uu yaraantii bilaabay iyo culimadii uu ka kala dhigtay kutubta kala duwan awgeed waxa uu toos u galay imtixaankii oo uu ku guulaystay dhamaan maadooyinkii laga qaaday Marka laga reebo Culuumta أدب عربي Oo aan markaa laga aqoon dhulka soomaalida Iyo meelihii kalle ee loo doonan jiray barashada cilmigii diinta islaamka gaar ahaan bariga africa. Waxa uu bilaaabay jaamacada Azhar gaar ahaan kulliyadda Uzuulu-Diin “جامعة الأزهر كلية أصول الدين” intaa markii uu dhamaystay waxa uu bilaabay shahaadadiisii heerka labaad ee Master Waxa uu ku qaatay جى جدا Oo ah dhibcaha ugu sareeya ee ardaygu ku gudbo imtixaanka Takhasusus kiisu waxa uu ahaa “العقيد و فلسف” Markii uu shahaadada labaad dhamaystay Sheekh Maxamed Waxa uu u wareegay jaamacada Caynul-Shamsi Qaybta Tarbiyadda “جامعة عين شمس كلية التربية” waxa uu ka qaatay diploma ah sida dadka wax loo baro . Intaa ka dib Waxa uu qadimay qaybta PHD oo Isla jaamacada Azhar ah waxa uu ku diyaariyay “الايمان واثرهو في فرد ومجتمع”. Oo ah Iimaamka Iyo Raadka uu ku leeyahay Qofka Iyo Mujtamaca Waxa mushrif u ahaa Dr. Cabdixaliim Maxamuud Waxaana xusid mudan In buuggii wali qabyo yahay oo aanu sheekhu dhamaystirin maadaama oo markii uu wadanka yimi la kulmay rabshadii Kacaanka . Sheekh Maxamed Macalin wakhtigaa uu waxbarashada u joogay Masar waxa ay ahayd Wakhti ay xarakooyin badani isku hirdiyayaan saaxada fikriga iyo siyaasada waxa aad u soo shaac baxday Xarakatul akhwaaanul-muslimiin .

Fikri ahaan culimada uu kutubtooda akhriyay waxa ka mid ahaa Sayd Qudbi ,Xasan Al Banna Iyo Cabdulqaadir Cowda. Dhacdooyinka uu goobjoog ka ahaa waxa ka mid ahaa dilkii Sheekh Sayd Qudbi oo isagu qoray buugga caanka ah ee “جاهلية القرن العشرين”. Bishii February 1968’kii ayuu yimi Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya Oo is bedel xaga xukunka ahi ka dhacay waa markii taladii wadanka ay inqilaabeen saraakiil u badan xooga dalka Soomaaliyeed oo uu hormood u ahaa Maxamed Siyaad bare. Mudo aan badnayd markii ay xukunka hayeen ayay sameeyeen nidaamkii shuuciga waxa ay qaateen hantiwadaaga Cilmiga Ku dhisan oo markaa aan hore wadanka looga aqoon waxa ay bar-bilow u ahayd qalalaasihii wadanka ka dhacay waayo Hore waxa nidaamka shuuciga u qaatay wadamo badan oo ay hormood u ahaayeen midowgii soofiyati(USSR) Iyo Cuba laakiin waxa ay kaga duwanaayeen inta danbe oo ah cilmiga ku dhisan (The Scientific Socialism). “اشتراكي علمى” Waxa uu ka bilaabay Masjidka Cabdilqaadir ee Magaalada Muqdisho Tafsiirka Qur’aanka kariimka ah oo uu ahaa sheekhii ugu horeeyay ee toos looga barto Tafsiirka oo kitaabka kelli ah laga mariyo oo markaa ka hor Culimadii ka horaysay sheekha waxa ay marin jireen kitaab la odhan jiray”Jalaallayn” oo ahaa tafsiirka oo la soo koobay .

Waayadaa waxa ka jirta magaalada Muqdisho waaxda hanuuninta oo kacaanku sameeyay oo xaafad kasta waxa ay ku lahaayeen waaxda xanuuninta(Orientation Office) Maadaama oo dadku u baahnaayeen aqoonta diinta waxa ay ku xidhmeen Casharadii Sheekh Maxamed. Sanadkii 1976’kii ayaa lgu xidhay Xabsigii Ciqaabta badnaa ee labaatan Jirow inbadan ayuu ku xidhnaa iyada oo ay ciqaabi u dheerayd intaa uu sheekhu xidhnaa caqiidadiisa iyo nashaadkiisa waxba iskama bedelin iyada oo diinta darteed loo dhibaataynayay. Bukaan ahaan ayaa looga soo daayay Jeelka oo uu aad ugu xanuusaday, Markii uu bugsaday halkii ayuu ka bilaabay casharadii hadana mar labaad ayaa xabsiga loo taxaabay 1984’kii. Mabda’a sheekha Iyo Culimo badan oo waxna la laayay waxna la xidhay waxa ay ahayd dagaalka keli ah ee lala galay dowladii kacaanku in ay dadka ku qanciso barnaamijka hanti wadaaga cilmiga ku dhisan Oo laga soo min guuriyay fikradii Marxism and Lillian. Sheekh Maxamed markaa uu wadanka yimi waxa uu arkay in umadda Soomaaliyeed u baahantahay barashada diinta islaamka waxa uu bilaabay Tafsiirka ka Qur’aanka kariimka ah. Sheekha dowladii markaa wadanka ka jirtay waxa ay u magacowday agaasimaha diinta Iyo awqaafta si ay uga hor tagaan cilmiga diinta ee uu bilaabay, Isagana taa hore ayaa u muuqatay oo ah in uu dadka baro diinta oo uu ugu horeeyo qur’aanka kariimka ah Waxa Alle(SWT) qur’aankiisa kariimka ah ku yidhi “إِنَّا نَحْنُ نَزَّلْنَا الذِّكْرَ وَإِنَّا لَهُ لَحَافِظُونَ” “Anaga ayaa soo dejinay qur’aanka anaga ayaana Ilaashanayna” Culimadu waa tiirka ugu adag ee Ilaalinaya Digriga Alle(SWT) Sheekha dhib badan ayaa loo gaysatay waana loo dhibaateeyay diinta awgeed mudo ku suman 11 sano ayuu xidhnaa taas oo cadayn u ah intii uu umadda u faa’iidayn lahaa badi waxa uu noloshiisa ku qaaday Jeelka waxaanay meesha ka saartay Duruustii iyo Cilmigii sheekha ee laga dhaxli lahaa .

Waraysi uu Sheekh Maxamuud Sheekh Dalmar sanadkii 1994’kii la yeeshay Sheekh Maxamed Macalin Xasan Oo aan aad uga soo xigtay qayb ka mid ah taariikhda  Sheekha Waxa uu Qaybta labaad ee waraysiga ku sheegay guud ahaan Saamaynta ay diinta islaamku ku leedahay dunida wixii mashaakil dunida ka taagana sida ay dawo ugu noqon lahayd Xaga akhlaaqda mujtamaca aduunka ku wada nool. Illaahay(SWT) Markii uu Soo diray Nabigeenii Suubanaa Muxammad”NNKH” Waxa uu soo dhiibay Qur’aanka kariimka ah si Caalamku uga baxo mugdiga una gudbo iftiinka iyo nuurka, Waxa uu Tusaale cad uga dhigay Binu’aadamka in uu hago oo ay ka dhigtaan (Catalogue) una hogaansamaan si ay u liibaan if iyo aakhiro waayo diin aan diinta islaamka ahayni waa baadil. إِنَّ الدِّينَ عِنْدَ اللَّهِ الْإِسْلَامُ Wakhtigii baraarugga (Renaissance) aqoonta casriga ah qaybteeda Sayniska iyo Tiknoolajiyaddu gaar ahaan falsafada, fikirka iyo aqoonta aadamaha la xadidhiidha Iyo fahan la’aanta badan ee diintu waxa ay shaki galisay dadkii ay marka horeba yarayd aqoontooda xaga diintu.

Hadaba maxay ahayd aragtida sheekha ee baraaruga Islaamku ? Wakhtiga ay u bixiyeen wakhtiga baraaruga ama iftiiminta Casriga(renaissance) oo ah xadaarada reer galbeedka waxa horumaray oo kelli wax soo saarka iyo dabeecada laakiin dadku ma ay horumarin. Aragtidii sheekhu ee la yaabka lihi waxa ay ahayd si kasta oo ay aduunyadu u horumarayso hadaan diinta islaamku ka qayb ahayn meel ma gaadhayso markaa hadii ay diinta islaamka u qaadan waayeen diin ahaan ha ka qaataan Qawaaniinta si ay ugu badbaadaan . Mashaakilaadka kalle ee aduunyada maanta ka taagan waxa ka mid ah Madhnaanta ruuxiga ah waayo aduunyada farxadeeda iyo dhibteeda waxa badan dhibteeda taasi waxa ay qofka ku keeni kartaa Firaaqiga Ruuxiga ah oo ay ka dhalato kalsooni la’aan uu Qofku Qawado Waxa uu Alle”Swt” u qorsheeyay hadaba Islaamka ayaa daawo u ah waxaas oo dhan . waxaa Sheekha lagu tilmaami karaa inuu ka mid ahaa tiirarkii muhiimka ahaa ee baraarugga Islaamka ee Soomaalida. Alle(SWT) Naxariistiisa Janatul Fardowza ha ka waraabiyo Sheekha inagana ha inaga yeelo kuwa ka faa’iidaysta Duruustiisa. Aaaamiiiiin….Aaaaamiii

You must be logged in to post a comment Login