UN: “Soomaalida ku jirta Xeryaha Qaxoontiga Kenya suuragal maaha in la celiyo..”

Kenya(Aftahannews):-  Qaramada Midoobay ayaa markale shaaca ka qaaday inay ka soo horjeedo oo aaney dooneynin in qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool gudaha dalka Kenya dib loogu soo celiyo gudaha dalka Soomaaliya oo ay sheegtay inaaney ka jirin amaan la isku haleyn-karo, waxayna xustay Qaramada Midoobay inay adag tahay in qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya ku sugan dib loogu celiyo xilligan Soomaaliya.

UN_H_C1-280x200

Hay’adda UNOCHA ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in howlgalada ka bilowday Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ay sababeen in gargaarkii aadanimo la gaarsiin waayo goobaha ay ku suganyihiin dadka u baahan gargaarka, sidoo kale OCHA ayaa sheegtay in dagaalkii bishii Maarso laga bilaabay goboladii la qorsheynayey in lagu soo celiyo qaxootiga ay hadda adagtahay in lagu dhiirado, iyadoo hay’addu ay sheegtay inaysan muuqan goob ammaan ah oo qaxootiga lagu celin karo.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli dowladda Kenya ay amar ku bixisay in qaxootiga Soomaaliyeed ee dalkeeda ku nool ay dib ugu laabtaan xeryaha qaxootiga, sidoo kalena xukuumadda Nairobi ayaa dedaal ugu jirtay sidii qaxootiga Soomaaliyeed dib loogu soo celin lahaa Soomaaliya, waxana xusid mudan in Qaramada Midoobay ay dhawaan sheegtay in la qorsheeyay in 50,000 oo qaxooti Soomaaliyeed ah dib loogu soo celiyo Soomaaliya, taas oo qeyb ka aheyd heshiiskii lagu saxiixay Nairobi ee ku saabsanaa dib u celinta qaxootiga Soomaalida.

Dhinaca kale UNOCHA waxay sheegtay in faqriga, shaqo la’aanta iyo cunno-yarida iyo biyo la’aanta ay ku sii baaheyso qaar ka mid ah gobolada Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ay dagaaladu ka socdaan, hay’addu waxay intaas ku dartay in tusaale ahaan magaalada Baydhabo ay ka mid aheyd goobaha la doonayey in lagu soo celiyo qaxootiga Soomaaliyeed balse ay dhawaan ka dhaceen dibadbaxyo watay rabshado ayna isku hayaan maamulo iska soo horjeeda.

Goobaha kale ee la qorsheeyay in qaxootiga lagu celiyo waxaa ka mid ah magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose iyo degmada Luuq oo ka tirsan gobolka Gedo,  goobahaas oo ay Qaramada Midoobay sheegtay inaan xilligan amni ahaan la isku haleyn Karin, UNOCHA waxay diyaarisay 2,663-qof oo qaxootiga Soomaaliyeed ah oo xilliga ku nool Kenya, Kismaayo waxaa loo diyaariyey qaxooti gaaraya 7,92, Baydhabo waxaa loo diyaariyey 401-qof, halka degmada Luuq loo diyaariyey 128-qoxooti ah.

Aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.