Ergo Nasteex u ah Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi! Qoraa Cali Qoryooley

CALI QORYOOLEY OO MADAXWEYNE MUUSE BIIXI TALO IYO ERGO U DIRAY 2019
CALI QORYOOLEY OO MADAXWEYNE MUUSE BIIXI TALO IYO ERGO U DIRAY 2019

Warqad Furan oo kusocoto Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi

Bismillaahi Raxmaani Raxiim 27kii Okt.2019kii

Ka: Qoraa Cali Dool Axmed (C.Qoryoley)

CALI QORYOOLEY OO MADAXWEYNE MUUSE BIIXI TALO IYO ERGO U DIRAY 2019
CALI QORYOOLEY OO MADAXWEYNE MUUSE BIIXI TALO IYO ERGO U DIRAY 2019

Mudane madaxweyne marka hore iga guddoon,salaann diiran oo xambaarsan xushmada ay leedahay jagada hogaaminta qaranka aan jeclahay ee Jamh Somaliland,islamarkaana waxan kuu ergaynayaa aniga oo kuu hiilinaya,oo gudanaya hiilkii aad iga mudnayd,waa hiilkii uu rasuulkeenii suubanaa xadiiska saxeexa ah ku cadeeyay,ee ahaa (walaal u hiili haddii uu gardaran yahay iyo haddii laga gardaranhayba),
Mudane madaxweyne waxan kuu ergaynayaa aniga oo afar qodob ka duulaya
1) Waxan kuu ergaynayaa aniga oo qofkasta la jecel wanaagga aan naftayda la jeclahay,adiga kula jecel waxkasta oo wanaagsan oo aan naftayda la jeclahay,kula neceb waxkasta oo xun oo aan naftayda la necbahay.
2) Waxan kuu ergaynayaa aniga oo lexejeclo weyn ka qabo,sharaftaada shaqsiga ah inta adduunka la joogo,islamarkaana lexejeclo weyn ka qaba ubadkaaga,
3) Waxan kuu ergaynayaa,aniga oo aakhiro inaad jannada gasho kula jecel,
4) Waxan kuu Ergaynayaa aniga oo lexejeclo weyn ka qaba dowladnimada Somaliland,iyo sunnaha siyaasadeed ee dhaqanka madaxda dalkeena saameynta xun ku yeelan doono,sida inay madaxda dambe waxay doonana kula kacaan bulshadooda.
5) Waxan kuu ergaynayaa,aniga oo ogsoon inay ariinta aan kaaga ergaynayo,ay dad badan oo eheladeena ah iyo dad badan oo shacabkaaga Somaliland ahi ay kaala hadleen khilaafka dhulka ay qoyska reer Biixi eed u weyntahay iyo danyarta badan isku haystaan,

2Aan ku horeeyee inadeeroow horta ifka waxan kula jeclahay inaad sharaf ku noolaatid,oo sharaftana waxad ku helaysaa
1) inaad shacabkaaga u xurmaysid sidii ay kuu xuurmeeyeen ee ay kuu doorteen,waayo waxa la yidhi,”Gobtuna xurmay doontaa ooy u halgantaa,Biduhuna dheregbuu doonaa”,walaaloow inaad adigu xurmadii lagugu doortay ay kugu fillaato ayaan kula jeclahay,dhulkaas ay danyartii dalkaagu degan tahayna aad isaga xadhid,ood danyartaas iyagaa kaa baahi badane aad u iyaga u deysid dhulkaas.
2) inadeeroow waxan kuu ergaynayaa aniga oo aad uga xun inay dhulkaas reer Biixi dacwaddiisii iyo ciidamadii aad u dirtay ay aad hoos ugu dhigeen magacaagii iyo sharaftaadii iyo weliba magicii deegaankeena,magicii raaskeena iyo magicii jifadeena hoose,iyada oo weliba horena dhulka la inoogu xamman jiray muddadii ay jamh. Somaliland jirtay.
3) inadeeroow waxan kuu ergaynaya aniga oo ogsoon shaqsiyaadkii dhulboobka ku mammay ee reer Somaliland cuduradii khatarta ahaa ee ay u dhinteen iyo sharaf darradii ay bulshada ku dhexjoogeen,.
4) inadeeroow waxan kuu ergaynayaa aniga oo ogsoon inuu qoyskaagu ama caruurtaada ay leedahay oo aad hore ugu sameysay hanti badan iyo guryo badan,waxa keliya ee ay tahay inay kaa dhaxlaan imikana ay tahay cisi iyo sharaf ay bulshadooda mustaqbalka ku dhexjoogaan.
5) madaxweyne ama inadeeroow waxan kuu ergaynayaa aniga oo kuugu caqli celinaya,in anaan aniguba 1 boloodh ku lahayn Hargaysa,1 aqalna aan ku lahayn kirana ku jira,sidaasna aan u yeelay,laba qodob inaan sharaftayda shaqsinimo ka ilaaliyo turxaan yar,xan yar,tuhunyar,iskana fogeeyo xantii jifadeena lagu xamman jiray dhulboobka ee “ku qabso ku qadi mayside la odhan jiray,
a) in aanan aqal ka dhisanin,dhul markii hore danguud loo qorsheeyay,waxanan maayaradii Hargaysa midkasta weydiisan jiray,maayaroow haddii aad iiheleysid dhul aanad danguud u qorsheynin,oo aad awood uleedahay waxad iga siisaa 1 bolood,iyaguna waxay iigu jawaabayeen,ma haynee dhulka danguud boloodh ma kaa siinaa?,maya dhulkaas qaadan maayo ayaan ku odhan jiray,
b) midda saddexaad waxay ahayd, inaan Ilaahay ku raaligeliyo,oo aanan sinnaba uga qayb qaadanin waxyaalihii aan ku dhaliilayay madaxdii maamuladdii ama xukuumadihii dalka Somaliland,anigana illeen qoraabaan ahaye aan la iihelin ceeb ama xummaan noocnaba,hantidana waxan aaminsanahay inuu illaahay bixiyo si ama waddo xaaraan ahna aan lagu doonin ama lagu kasbanin.

6) mudane waxan kuu ergaynayaa aniga oo aaminsan ama ku qanacsan,in adigu aad ahayd,ninka labaad ama saddexaad ee ugu awoodda badan dalka Somaliland 1991- 2017kii,maantana aad tahay ninka 1aad ee ugu awood badan dalkan,sidaas darted,dhul aad adiga ma qoyskiinu yihiin in aanay cidi kaa qaadi karaynin horeysa iyo dambeysaba,taas awgeed inaad maanta dhulkaas danyartu ay degan tahay,aad awoodaada madaxweyne iyo xoog ciidan aad ku fushatid inay ceeb iyo cidhib xummo uun aad ka dhaxli doontid.
7) waxan kuu ergaynayaa aniga oo sharafta iyo mustaqbalka siyaasadeed ee dhalinyarada iyo aqoonyahanada deegaanka aynu kasoo jeedno iyo kuwa jifadeena hoose ilaalinaya, kana ilaalinaya,inaan madaxweynanimadaada ka dhaxalno magac xumo deegaan ahaan,dhegxumo iyo takoor siyaasadeed oo mustaqbalka lagaga cararo madaxdnimada ragga jifadeena.
8) m/weyne waxan kuu ergaynayaa aniga oo xusuusan,sidii uu yeelay madaxweyne Siilaanyo markii lagu qabsaday,dhul uu qoyskiisu Burco ka iibsaday,xilliyadii uu mucaaradka ahaa,dabadeedna markii loo sheegay ee uu waxgaradkii beeshiisa la tashaday,iyaguna ay ku yidhaahdeen,siilaanyooy maanta kala dooro xurmada lagu saaray ee madaxweynanimada iyo dhulkaas yar,dabadeedna isaguna uu yidhi,waxan doortay xurmada la isaaray ee hogaaminta umamdeedd,inaadna sidaa yeesho ayaan kuu rajaynayaa.oo aad la tashatid waxgaradka deegaanka aynu kasoo jeedno, ama ciddii nasteex ada bididba.
Mudane M/weyne Inadeeroow waxan kuu ergaynayaa inaad aakhriadaada ilaashatid oo aad laxisaabtanka illaahay naftaada la xisaabtami doono aad ka baqatido,dadkaaga ku doortayna aad utudhid,una naxariisatid.
1) waxan kuu ergaynayaa aniga oo xusuusan xadiiskii saxeexa ahaa,in ninkii taako dhul ah xaqdarro ku qaato,maalinta qiyaamaha uu iman doono,isaga oo 7dhul qoorta loosoo sudhay,miisaanka xisaabtiisa la dulsaari doono,
2) waxan kuu ergaynayaa aniga oo xusuusan,islaan danyar ahayd,oo xilligii Mucaawiye amiirka ahaa boloodh oo ay lahayd,uu nin xaqdarro kaga qaaday,kaasoo weliba ay maxkamaddii xilligaasi u xukuntay isaga,kadibna markii ay maxkamadda kasii bexeysay Islaantii ,iyada oo aan u murugaysan,ay hadashay oo ay habaartay oo tidhi,”ninoow waxan illaahay ka baryayaa in haddii uu ogyahay inaan dhulkaas anigu xaq u lahaa,inuu dhulkaasi ku dilo,dabadeedna waxa la yidhi,ninkii oo goor habeen ah boloodhkii dhex maraya uunbuu la dumay god boloodhka ku dhexyaalay laakiin afkiisa uu cows qariyay,dabadeedna bir fiiqan oo daxalaysatay oo godka dhextaalay ayaa ninkii caloosha ka gashay,halkii ayuuna ku nafwaayay,waxayna qoyskiisii ogaadeen markii uu maydkiisii qudhmay ee uu aad u uray.
3) waxan kuu ergaynayaaa aniga oo xusuusan,sidii ay u kala mustaqbal wanaagsanaadeen,inamadii uu ka tagay,amiirkii caadilka ahaa ee Cumar bin Cabdicasiis iyo inamadii ay ka tageen amiiradii kale ee caruurtooda xoolaha badan uga tagay wiilashoodii,iyada oo wiilashii Cumar Bin cabdcasiis ay ka cidhib iyo xoolo bateen kuwii dhaxal badan looga tagay
a) waxa la yidhi,Cumar Cabdicasiis markii uu wafaaday waxa uu adduunyo katagay,19 dirham oo keliya,waxana uu lahaa,9 wiil,midkasta waxa uu dhaxal u helay 1 dirham,
b) Amiir Cumarbaa lagu yidhi,markii uu sakaraadayay,maxada inamada xooloay ka adhxalaan uga tagi weyday,wuxuna ku jawaabay,haddii ay dad khayr badan noqdaan,ilaahaybaa dadka khayr badan jecl oo u gargaari doono,
c) haddii ay dad khayr darran noqdaana,waxan diidayaa in xoolaha badan ee ay iga dhaxlana ay bulshada ku fasahaadiyaan.
4) saaxiibkaygii horooy,waxan kuu ergaynayaa aniga oo ogsoon inaad maalin aad u dhow aad geeriyoon ama hoyandoontid, maxaayeelay,maanta todobaatankii kkorbada u dhaaftay oo wadkii waynu kusii dhawaanay labadeenuba,sidasa awgeed haddii imika lagu ogeysiiyo maalinta aad dhimmandoontidna in aanad dhulkaas ku dacwooteene aad danyarta imika degan udeyn lahayd,welibana aad khayr badan kasban lahayd.
5) mudane m/weyne Muusoow waxan kuu ergaynayaa aniga oo xusuusan xadiiskii saxeexa ahaa,”dadku waxay jecelyihiin inay xoolohooda yareeyaan,xoolaha dad kalena badiyaan,maxaayeelay xoolaha dadka kale waxa weeye,xoolaha laga dhaxli doono,xoolohooduna waa hantida ay saddaqaystaan”,adiguna imika xoolo aad dhawaan ka tagi doontid,waxba ka badinina gerida xusoooso oo dadka oo dhan iska cafi anigana iga bilow oo danyartaasna u daa dhulkaas ay ku ooyayaan.
6) waxan kuu ergaynayaa,aniga xusuusan qisadii dhexmartay amiir Mucaawiye iyo ninkii ay beerohoodu isku xigeen,kaasoo warqad kulul uqoray,mucaawiye oo weliba yarana caayay,una sheegay inay shaqaalihii beertiisa ka shaqeynayay ay kusoo durkeen dhulkii beertiisa,waxoogaana ay ka goosteen,kaasoo mucaawiye markii uu qoraalkii ninkaas akhriyay uu ugu jawaabay,hebeloow anigu waan ku ammaanayaa adiga iyo hooyadaaba,waxanan kuu hibaynayaa beertaydiiye walaal laga bilaabo maanta adigaa mulkigii beertasa kugu warejiyay,inadeeroow dariiqaas inaad sunne nooga dhigtid ayaan kaa codsanayaa oo aad ka tanaasushid dacwadda dhulkaas lagugu haysto ee ceebta mooyaane waxkale aanad ka heleyinin.

Hadaba inadeeroow madaxwryne iga aqbal ergadaasoo dhulkaas isaga daa dadkaas danyarta ah.

NB fiiro Gaar ah
Waxan ka rajeynayaa waxgaradka iyo waayeelka deegaanka Muuse ama kuwa jifadayadu inay M/weynaha unastexeeyaan, ergana ugu tagaan si uu dhulkaas murankiisa uga tanaasulo danyartana ugu daayo.
Qoraa Cali Dool Axmed (C.Qoryoley)
ilaahaybaa mahad oo dhan leh,wabillaahi towfiiq.