Dabley hubaysan oo weerartay Saldhiga dhexe ee magaalada Boorama

Breaking_news-5

Boorama (Aftahannews)- Wararka ka imanaya magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa waxaa ay sheegayaan in saaka dabley aan heebtooda la garanayn ay weerar ku qaadeen saldhigga ciidammada ee ku yaal halkaas.

Booliska iyo kooxdii weerarka soo qaaday ayaa rasaas isweedaarsaday, waxaana markii dambe boolisku ay baacsadeen kooxdaas, sida ay sheegayaan wararku.

Waxaana lagu soo warramaya in imika xaaladda magaalada Boorama ay degen tahay isla markaasna kooxdii weerarka soo qaaday ay isaga baxeen halkaas.

Wax khasaare ah oo ka dhashay ma jiro dhibaatadaas.

Guddoomiyaha gobolka oo hada warbaahinta la hadley ayaa sheegay in hadda ay howlgallo wadaan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.