Jawar Maxamed oo ka hadlay xiisada ka taagan Addis Ababa

Addis Ababa (Aftahannews)- Maalmihii ugu danbeeyayba qeybo ka mid ah magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya waxaa ka taagnaa qalalaase dhimasho sababay u dhexeeyey ciidamada amaanka iyo Jawar Mohamed oo ah nin sheegta inuu u dhaqdhaqaaqo danaha Oromada.

Rabshadahan iyo dibadbaxyada ayaa ka bilaawday kaddib markii Jawar Maxamed uu sheegay in gurigiisa ay soo weerarreen ciidamada Amaanka, islamarkaana gurigiisa la qaaday ilaaladii ku sugneyd.

Mar wax laga weydiiyay waxa sababay rabashadahan ayuu sheegay in ay jirtay in si ku talagalay ah looga qaaday ilaalo heer Federaal ah oo gurigiisa ku sugneyd.

”Waxaa jiray ciidamo Booliis ah oo amar lagu siiyay in ay sugaan Ammaankeyga, laakiin waxaa dhacday in xili habeen ah ciidamadaa lagu amray in ay si deg deg ah uga tagaan gurigeyga, taas ayaa jahwareer abuurtay iyo sababta uu amarkaasi u soo baxay” ayuu yidhi Jawar Maxamed.

Wuxuu intaa ku daray in xitaa ciidamada laga diiday in ay la tashi ila sameeyaan ka hor inta ayna gurigeyga ka tagin.

”Ciidamada ayaa weydiistay qolyihii amarkan bixiyay in ay bal Aniga la tashi ila sameeyaan, waxaa lagu yidhi Maya, hubkiina uruursada ee isaga taga guriga ayaa lagu yidhi” ayuu sheegay Jawar Maxamed.

Arintaa ayuu ku sheegay in ay aheyd mid qalad ah oo aan laga filan karin dowladda, isaga oo intaa raaciyay in markii ciidamada laga qaaday kaddib dhalinyaro loo ogolaaday in ay gurigeyga gali karaan si ay u sameeyaan ficil.

Mar wax laga weydiiyay aragtidiisa sida warbaahinta loo adeegsaday si colaad loo sii huriyo ayuu yidhi ” Waxey aheyd wax qalad ah in laga aamuso oo aan la sheegin in uu xidhan yahay jidka weyn ee isku xidha Itoobiya iyo Sudan, iyo hoteelo ku yaalla bartamaha magaalada ay holcayaan waa mas’uuliyad weyn waana gudbin doonaa haddii ay ka dhacaan gobollada kale ee dalka”

Maalmihii ugu danbeeyayba magaalada Addis Ababa iyo gobollo kale oo ka tirsan Itoobiya waxaa ka taagnaa qalalaase u dhaxeeya ciidamada Ammaanka iyo dhalinyaro taabacsan Ninkan lagu magacaabo Jawar Maxamed.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.