Paris: Xus loo sameeyay Askartii Somaliland ee ku dhintay dagaaladii 1aad iyo 2aad ee addunka

Paris (Aftahannews)- Wasaarada gaashaandhiga dawlada Faransiiska ayaa  qabatay munaasibad lagu xusayay Askartii reer Somaliland ee ka qayb galay kuna dhintay dagaaladii Koowaad iyo Labaad ee dunida.

Iyadoo askartaasi ay  u dagaalameen dawlada Faransiiska sanadihii 1914-1918  iyo sanadihii 1939-kii ilaa 1945-kii.

Munaasibad lagu Xusayay Askartii reer Somaliland ee ka qayb galay dagaaladaasi ayaa shalay lagu qabtay Fagaaraha dalka jirka Dahsoon ee magaaladda Paris ee caasimada dalka Faransiiska.

Taasoo ay ka soo qab galeen saraakiil ka tirsan ciidanka dalka Franch iyo qurbe jooga reer Somaliland ee degan magaaladda Paris.

Calanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo calanka dalka Franch ayaa la sudhay goobaha lagu qabtay xuskan.

Guddoomiyaha ururka Raad-raaca taariikhda Askartii Somaliland ee u dagaalantay dalka Franch Ibraahim Yusuf Guuleed,  ayaa xuskaasi ku tilmaamay kii u horeeyay ee la qabto.

Ibraahim Yusuf Guuleed,  oo u waramayay talefishanka qaranka Somaliland ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horaysay taariikhda dalka Franch laga xuso Askarkii reer Somaliland ee ku dhintay dagaaladii koowaad iyo  labaad ee dunida.

Waxaanu yidhi “Waa markii u horaysay ee Wadada Caanka ah ee magaaladda Paris iyo taalada dal jirka Dahsoon ee dalka Franch lagu qabto munaasibad lagu xusayay Askartii  Somaliland ka soo jeeday ee ku ku dhintay dagaalkii Koowaad ee Aduunka iyo dagaalkii labaad ee Aduunka.

Waxaanay askartaasi u qoran yihiin wasaaradda Gaashaandhiga wadanka Franch in ay ahaayeen Askartii Somaliland ka timid ee u dagaalantay dalka Franch. Waxaanan iska kaashanay qabashada xuskan wasaarada Gaashaandhiga ee dalka Franch.

Waxaana loo tumayay miisiga ciidanka qaranka ee Faranch, waxa kaloo la tumayay heestii ciidanka Franch”.

Ibraahim Yusuf Guuleed,  ayaa wax aad u qiimo badan iyo guul  ku tilmaamay  qabashadda xuskaasi. “Waxaanay ahayd wax aad u qiimo badan xuskani,  yididiilo ayaanay na gelisay,  halkaas ayaanu ka sii wadi doonaa. Waana guul u soo hoyatay Somaliland.

Waxaanan rejaynayaa in aanu casuumi doono madaxda Somaliland ka socota,  oo ka yimaada dalkii”ayuu yidhi guddoomiyaha ururka Raad-raaca taariikhda Askartii Somaliland ee askartii u dagaalantay Faransiiska.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.