Maxaa Hortaagan In Garsoore Madow Qabto Horyaalka Ingiriiska?

Garsoorayaasha madow-ga ah  way ku adag tahay inay shaqo ka helaan heerarka kala duwan ee kubbadda cagta Ingiriiska waxaanna ugu wacan qaabka loo qiimeeyo oo ka duwan sida loo qiimeeyo kuwa caddaanka ah, sidaasi waxaa sheegay nin u ololeeya dadka laga tirada badan yahay ee ingiriiska.

Reuben Simon oo ambasadoor u ah ururka ay ku midaysan yihiin bulshada madow, aasiyaanka iyo dadka kale ee laga tirada badan ee loo yaqaano BAME ayaa sheegay in cunsuriyad iyo eexasho ay sabab u tahay inaan lagu arkin kubbadda cagta Ingiriiska garsoorayaal aan caddaan ahayn.

Uriah Rennie ayaa ahaa garsoorihii ugu danbeeyay ee madow ah ee qabta kulan kubbadda cagta Ingiriiska ah, laakiin waxa uu shaqadda ka fadhiistay sannadkii 2009-ka.

Ma jiraan garsoorayaal aan caddaan ahayn oo haatan ka shaqaynaya afarta heer ee kubbadda cagta Ingiriiska ka soo bilow Premier League ilaa iyo horyaalka heerka saddexaad.

Waxaa jira guddi qiimeeya dhamaan raga doonaya inay noqdaan garsoorayaal, qiimeyntooda ayaanna fure u ah in garsoorayaasha loo kala magacaabo heerarka kala duwan ee kubbadda cagta Ingiriiska.

Laakiin Simon ayaa ku dooday in loo baahan yahay nidaam cusub oo lagu qiimeeyo garsoorayaasha si loola dagaalamo cunsuriyada.

“Waxba kama jiraan wararka sheegaya inay yar yihiin garsoorayaasha madow – waxaa jira garsoorayaal badan oo madow oo tababar qaatay laakiin lama siinayo fursad ay shaqo uga helaan horyaaladda waa weyn” ayuu Simon u sheegay Press Association.