Madaxweyne Bangiyadda Ku Amray In Maalgelin Ku Sameeyaan Eyadda

Madaxweynaha Turkmenistan oo lagu magacaabo Gurbanguly Berdimuhamedov ayaa bangiyo dhowr ah ku amray inay maalgeliyaan mashaariicda lagu horumarinayo tirada eyda yaryar ee loo yaqaanno Alabay.

Wakaaladda warbaahinta TDH waxay sheegtay, warqad wareegta oo madaxweynaha ka soo baxday in lagu sheegay in bangiyada lagu amray in bangi kasta uu maalgelinta uu ku yeesho saami gaadhaya 12.5% boqolkiiba.

Eeyga Alabay ayaa ah nooc la carbisto oo laga helo waddamada bartamaha Aasiya ku yaalla oo keli ah, wuxuunna Mr Berdimuhamedov u muuqdaa mid aad u jecel eydaasi.

Horraantii sannadkan xilli uu ku jiray fasaxiisa, wuxuu qoray buug uu kaga warramayo eyga Alabay, siday warbaahinta dalkaasi sheegtay.

Sannadkii 2018-kii, wuxuu ku dhawaaqay inuu yahay sannadkii eyda, isaga oo telefishinka Qaranka ka soo muuqday isaga oo xayawaanaad kala duwan la jooga.

Buuggiisa wuxuu cinwaan uga dhigay “Turkmen alabay”. Ficilkaas madaxweynaha ayaa gudaha dalkaas si weyn looga dhalleeceeyay.

Madaxda sare ee dowladda iyo aqoonyahanno ka qayb galay xafladdii lagu soo bandhigay buugga “Turkmen alabay” oo lagu qabtay caasimadda Turkmen ee Ashgabat, waxay si weyn u soo dhaweeyeen wax qabadka madaxweynaha.

“Buuggan wuxuu ka mid yahay taariikhda ma guurtaanka ee Turkmen oo shacabka lagu la socodsiinayo, kaas oo uu madaxweynaha ku deeqay,” ayey lagu qoryay wargeyska Neytralnyy oo ku hadla afka dowladda.

“Buuggan waa hadiyadda ugu qaalisan oo maalinta xorriyadda dalkaas uu hoggaamiyaha Turkmen ku deeqay, waxaanna rajeeynayaa in dad badan oo buugaagta akhristo oo dalkan ku nool uu soo jiito,” ayuu wargeyska sii raaciyey.

Mashruucan eeyda ee Mr Berdimuhamedov ayaa dad badan la yaab ku noqday, sida ay warbaahinta dalkaas u buunbuuniyeen. Waa dal lagu tiriyo waddamada ugu hooseyo xorriyadda saxaafadda oo weliba ka sii hooseeya dalka Kuuriyada Koonfureed, sida ay sheegtay hay’adda u qaabilsan xorriyadda saxaafadda adduunka ee RSF.