Xukuumadda Somaliland oo Geel laga soo celiyey Jabuuti ku horjoogta xadka iyo sababta

Lawyocado (Aftahannews)- Xukuumada Somaliland ayaa inka badan 300 neef oo Geela ah oo ay lahaayeen Ganacsato reer Somaliland ah lagana soo celiyay dhinaca dalka Jabuuti ku hor joogta xadka u dhaxeeya labada dal ee Lowyocado, iyadoona diiday in xoolahaasi ay u soo gudbaan dhinaca Somaliland.

Qaar kamid Ka Ganacsatada Xoolahan leh ayaa sheegay in amarka Xoolahan lagu joojiyay uu ka soo baxay Badhasaabka gobolka Salal Sabab loo haystana aanay garanayn, iyagoona sheegay in Ciidamada Booliska iyo Milateriga Somaliland ay Xoolihii ku hor joogaan xadka Lowyocado.

 “Geelan waxaan ka soo celinay dekeda dalka Jabuuti oo xoolaha aanu ka dhoofin jirnay, balse markii dawlada Sucuudigu joojisay Xoolihii uga tagayay ayaa waxa dhacay in xoolihii lanagu soo celiyo sidaa ayaanu Geelu u soo celinay”.ayuu yidhi Xasan Cali oo kamid ah dadka Xoolahani wax ku leh.

Wuxuu sheegay Ganacsadahani in Xoolahani markii horeba ay ka tageen dhinaca Somaliland, iyadoo si sharciya ay wasaarada Maaliyadu ugu cashuurtay.

“Hada ma garanayno waxa loo hayso Xoolahan iyo danbiga ay galeen xoolahan mashaahidiinta ah, Badhasaabka ayuunbaa na hortaagan ayuu yidhi”. ayuu intaasi raaciyay.

Dhanka kale, Badhasaabka gobolka Salel Mawliid Maxamed Nuur oo aanu khadka telefonka kula xidhiidhnay, si aanu wax uga waydiino sababta ay Xukuumad ahaan u horjoogsadeen Xoolahan Geela ah ee laga soo celiyay dhinaca Jabuuti, ayaa sheegay in amarka ay ku hor joogsadeen uu kaga yimid Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland.

 “Way jirtaa arintaasi amarka aanu Xoolahan ku joojinayna wuxuu nagaga yimid wasaarada xanaanada Xoolaha”. ayuu yidhi badhasaabka gobolka Salel.

Masuuliyiinta wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland oo aanu isku daynay in aanu waxka waydiino sababta ay u diideen in xoolahani ay u soo gudbaan dhinaca Somaliland ayaanay noo suurto galin in aanu helno kadib markii ay naga qaban waayeen telefanka gacanta.

Xaalada ay ku sugan yihiin 300 ee neef ee geel ahi ayaa laga dayrinayaa iyagoo labadii maalmood ee u danbeeyay ay ciidamo ku hor joogeen xadka Lawyocado, taasi oo sababtay in aanay helin baad iyo biyo ku filan, iyadoo laga cabsi qabo in arintani ay sababto in xoolo badani u dhintaan baad iyo biyo la’aan.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.