“Somaliland aan la wada lahayn, Baarlamaan, Xukuumad iyo Dhaqaale ayaa muuqata..” Xl. Jaamac X. Aadan

Hargeysa(aftahannews):- Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan oo ka mid ah Mudanayaasha golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ku baaqay in dastuurka dalka la furo oo la qabyo tiro, maaddaama oo ay muuqato Somaliland aan la wada lahayn marka loo eego saamiga kuraasta golayaasha dowladda, shaqaalaha iyo dhaqaalahaba.

Xildhibaan Jaamac oo maanta ka dooday fadhigii golaha Wakiillada oo qodobbadaas iyo kuwo kaleba sharraxaya, waxaannu warkiisa idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:- 

Aftahannews.com 

Hargeysa/Somaliland.